Xogaha Shirqoolkii ay Somaliya 1989kii Muj: Idiris Cusmaan ku Khaarajinaysay Sidii J. Khoshogi

0
17

Xogaha Shirqoolkii ay Somaliya 1989kii Muj: Idiris Cusmaan ku
Khaarajinaysay Sidii J. Khoshogi
Bismillaahi raxmaani raxiim 5.12.2018kii
Qoraa Cali Dool Axmed (C.Qoryoley) waa taariikhyahan Eebbe u sahlay qorista 12 buug oo taariikhihii dadka iyo dalka Jamh.somaliland
khuseeya,
Weftigii Hadraawi Hogaaminayay ee SNM ee uu Idiris ku Casuumay Qasrigiisii Camp Divid ee Nayroobi
Muj: Abiib Diiriye Nuur Timacade,waxa uu ka mid ahaa wefti
SNM 80maadkii oo howlihii abaabullka taageerayaashii
ururka ku saabsanaa oo uu Hadraawi hogaaminayay,hadaba
Abiib Timacad ayaan ka wareystay waxana uu yidhi,maalintii
uu Idiris gurigiisii Nayroobi xaafadda Parkland nagu
casuumay weftigayagii ,waxa uu noo diyaariyay dhowr gaadhi
oo Range Rover ah,markii aanu duleedka magaalada
gaadhnay,waxa noo muuqday,QASRI oo buurdheer
dhakadeeda ku yaala,markii aanu xaggii qasriga u baydhnay,waxanu aragnay boodh weyn
oo ay ku xardhan tahay “WELCOME TO CAMP DIVID ” ,waxanu u qaadanay qasri ka mid
ah,aqalada uu madaxweynaha Kenya ku nasto,balse markii aanu gallay illeen waaba
gurigii Idiris.Cusmaan Guray (sheedan xagga hoose ka akhriya)
Muj: Idiris Cusmaan Guray Waa Kuma? Sawirka sare waa Idiris Cusman Guray
Aan ku bilaabo su’aale,muwaadinoow maxaad ka ogtahay,taariikh halgameedkii Mujaahid Idiris Cusmaanguray Xasan
Iimaan?, ilaahay if iyo aakhiraba ha ka raali ahaadee,Muj: Idiris Cusmaan Guray,waxa uu ku dhashay Hargaysa
1945tii,waxase uu ku barbaaray oo wax ku bartay magaalada Waampo ee dalka Kiinya,waxa uu ahaan jiray ganacsade
milyandheer ah,Idiris marka laga reebo Hindida iyo ganacsatadii qowmiyadaha kale, waxa uu ahaa ninkii madoobaa ee ugu
horeeyay ee dahab ka dalka Kiinya iyo macdaha qaaliga ah dibadda u dhoofiya (pricous stones),isaga oo lahaa
shirkad weyn oo badeecadaha kala duwan ee Kenya dibadda u dhoofisa,oo la odhan jiray “Saudia Lifestock
Agency”,shirkaddaasoo muddo dheer ayay xoolaha nool u jirtay dalalka Carabta,btaasoo ugu dambayntii ay dowladda
Kenya ruqsaddii ama liisankii ganacsiga ee Kenya ay kala noqotay.
Idiris Cusmaan oo ganacsade milyandheer ah noqday dhammaadkii 70aadkii iyo bilowgii 1980maadkii,waxa ay
tujaaraddiisu la kowsaday,dareemadii kacsanaa ee gobanima doonka ahaa ee ugu horeeyay ee waayeelkii reer Somaliland
cadhada iyo cududa bulshadooda ku mideynayeen,kuwaasoo dabayaaqadii 70meeyadii ay dhaqdhaqaaqyadoodu gudaha
Somaliya,Kenya iyo dalalka Carabta ka socon jireen laguna asaasayay ururkii SNM,islamarkaana lagu abaabulayay
taageerayaashii halgankii SNM.
Ashyaada nolosha dunida qaabeeya Eebbe laba laba ayuu ka dhigay,markii uu Eebbe kufriga abuuray,ayuu kufrigii Eebbe
ku yidhi,waxan u baahanay walaal ikaba,dabadeedna waxa uu Eebbe sarreeye raaciyay oo la walaaleeyay
bakhalynimada,hadana markii uu Eebbe abuuray Iimaanka ayuu Eebbe weydiistay oo u yidhi,waxan u baahanay walaal
ikaba,dabadeedna Eebbe sarreeye,waxa uu ku lammaaneeyay Iimmaankii oo lala walaaleeyay deeqsinimada.qalbiga
deeqsinimo ay ku jirto iimaana waa ku jiraa,qalbiga ay bakhaylnimo ku jirtana waa hbala inu kufrina ku jiro intuu doono ha
le’ekaadee.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here