Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Hargaysa Mudane Axmed Maxamed Cabdi Laahi (Axmed Darajo ) Waa Masuul Ku Sifoobay Karti , Wax-qabad , Cadaalad Iyo Daacadnimo , Waa Aqoon-yahan Da’yar Oo Illaahay Karti Ku Munayastay , Ka Hor Intaan Loo Magacaabin Xoghayaha . Wuu Shaqaysan Jiray , Muu Ahayn Kuwa Gidaarada Iyo Maqaaxiyaha Ka Dhaw-dhaw Yidhaahda Ee Caaddada Ka Dhigtay Cayda Iyo Af-lagaadada Masuuliyinta.
Mudane Axmed Darajo Tan Iyo Muddadii Uu Xilka Hayay Wuxuu Muujiyay Da’daal , Karti Iyo Wax-qabad La Taaban Karo .
Shaqada Wuxuu Soo Gallaa Lixda Aroornimo Wuxuu Ka Rawaxaaa Laba Iyo Tobanka Duhurnimo , Wuxuu Ku Soo Noqdaa Gallinka Danbe Bacda Sallaada Casar Illaa Makhribka Taas Oo Aan Caada U Ahaan Jirin Masuuliyiinta Dawlada Dhamaantood. Dadka Waynaha Reer Hargaysa Ee Hawl U Leh Dawlada Hoose Waa Ka Markhaati Kaceen . Dawlada Hoose Dadkii Faraha Badnaa Ee Ku Xoonsanaan Jiray Ee Hawlaha U Socday Dhamaantood Waa Loo Dhameeyay Wayna Ka Mabsuudeen Sida Kartida , Daacadnimada Leh Ee Uu Maalin Oo Dhan Heegan-ka Ugu Yahay Ee Uu Shaqaday U Baahnaayeen Dhamaantood U Fulliyay . Dhawaan Bay Ahayd Markay Dad-waynaha Dagmada Gacan Libaax Ay Shahaada Wax-qabad Ay Guddoonsiiyeen Xogahaya Dawlada Hoose Mudane Axmed Darajo.
Haddaba Koox Qawlaysata Ah Oo Lagu Adeegsanaayo oo Inta Dhadhamo Yar Loo Tuuro Uu XISBIGA WADANI Leeyahay Ceebeeya Oo Dhaha Xogahayaha Ay Wax Musuqmaasuqay Oo Guri Ka Dhisanaaya Hargaysa .Beentaas Aan Raadka Lahayn Ee Aan Wax Ka Jiraa Aanu Jirin.
Hadduu Xogahayuhu Xaaraan Ku Sifoobay Wajigiisa Ayay Ka Muuqan Lahayd. Ee Darajada Iyo Xillka Illaahay Ayaa Bixiya Oo Samada Sare Iyo Carshigaa Rabbi Dadka Ka Soo Dirtaa Ee Samra Oo Suga Wakhtigeena Uu Rabi Idiin Qoray.
Xogahayahan Illaahay Ayaa Qadaray Inuu Xilka Qabto , XAASIDNIMADA Cuqdiga Iyo Buqdiga Idinku Jira Illaaha Ha Idinka Daweeyo .
Xaasid maa yaa aflax , madaxtinimda waa loo dhashaa . ma cid baa cid doorata samadaa laga doortaa iyo carshiga .
Xogahyaha Dawlada Hoose Axmed Darajo Waa Masuul Qaran Oo Lagu Reeyay Xag-xagashada IYO Aflagaada Waxba Ka Qaadimayso . Dadwayanaha Ka Markhaatiya , Wax Qabadkiisana Maaha Wax Sacabada Lagu Qarin Karo