Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Laascaanood Oo Faahfaahiyey Hawlal Ka Dhextoos ah oo Ay Lagu Soo Faqay Maceeshad Waqtigeedu Dhacay+Sawirro & video

0
20

Ganacsatada oo ay ugu horreeyaan Culimadu waxaanu leennahay waar illaahay ka yaaba, oo bulshada aad ka dhex ganacsanaysaan hoos u eeg”- Xoghayaha Fulinta Laascaanood Md. Cabdiraxmaan Khadar Maxamuud (Gaas)

“Ganacsatada oo ay ugu horreeyaan Culimadu waxaanu leennahay waar illaahay ka yaaba, oo bulshada aad ka dhex ganacsanaysaan hoos u eeg”- Xoghayaha Fulinta Laascaanood Md. Cabdiraxmaan Khadar Maxamuud (Gaas)

Laascaanood (Hubaal) Hawlgal ay labadii maalmood ee u dembeeyey masuuliyiinta heer degmo ee magaallada Laascaanood ka fuliyeen meherradaha ganacsiga ee magaalladaasi ayaa lagu soo ururiyey isla markaana lagu gubay alaabooyin isugu jira bagaash iyo weliba dawooyin waqtigoodu dhacay (Expire) kuwaas oo ganacsi ahaan u yaallahay dukaamada, bakhaarrada iyo weliba farmasiyada Magaalo madaxda gobolka Soo lee Laascaanood.
/Masuuliyiinta dawladda hoose ee magaallada Laascaanood oo ay horkacayeen Xoghayaha Fulinta ee dawladda hoose ee Laascaanood Md. Cabdiraxmaan Khadar Maxamuud (Gaas) iyo maayarka degmada ayaa hawlgalkan oo ay soo bilaabeen Arbacadii iyo Khamiistii oo ay wejigiisa labaad fuliyeen waxaa ay sheegeen in uunoqon doono mid joogto ah oo sii socon doona, waxaana mar ay warbaahinta maxalliga ah kula hadleen gudaha magaallada Laascaanood iyaga oo ku gudo jira hawlgalka lagu ururinayo bagaashka iyo dawooyinka dhacay ay ka warrameen qorshaha dawlad hoose ahaan ay ugu talo galeen in ay magaallada kaga sifeeyaan alaabooyinkan oo haddii aan la basrin halis caafimaad iyo mid deegaanba u leh bulshad, iyaga oo warbaahinta u soo bandhigay bucsharrado kala nooc nooc ah ooay ka soo ururiyeen qaybaha ganacsiga ee magaallada
Xogahayaha Fulinta ee dawladda hoose ee degmada Laascaanood oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay si joogto ah u kormeeri doonaan meherradaha ganacsiga si ay u hubiyaan taariikhdooda iyagoo wixii dhacay ay gubi doonaan
“Waxaa manta kormeer lagu galay suuqa magaallada Laascaanood hadday tahay bakhaarrada iyo farmasiyadaba, waxaana laga soo helay oo kormeerka aanu samaynay aanu ku soo ururinay bagaash iyo dawooyin iyo cuntooyin waqtigoodu expire yahay kuwaas oo aanu warbaahinta u soo bandhignay.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha fulinta dawladda Hoose ee Degmada Laascaanood Cabdiraxmaan Khadar Maxamuud waxaana uu intaas ku ladhay “waad ogtiin oo labadii bilood ee sanadka ugu dembeeyey baynu ku jirnaa waajib ayaanay dawladda hoose ee degmada Laascaanood u leedahay inay ka hawl gasho arrintaasi gaar ahaanna waaxda arrimaha bulshadu. Arrintan fayo dhawrka ee aanu halkan kus oo bandhignayna bilow weeye oo shaqadu way sii soconaysaa mana aha mid maanta iyo berry iyo sahandembe toona ku ekaan doonta intii ay nagu qaadanayso inaanu magaallada kaga sifayno alaabooyinkaas iyo raashinkaas dhacay waanu wadaynaa labada bilood ee hadhay”.
Xogahaye Gaas waxaa uu farriin bushaaro u dhigan uu u diray bulshada ku dhaqan gobolka Sool gaar ahaana kuwa magaalo madaxda Laascaanood degan “waxaanu bulashada reer Laascaanood ugu bushaaraynaynaa haddii aanay hore u jiri jirin in la idinka kaantaroollo bakhaarrada raashinka iyo farmasiiyada daawooyinka yaalla maanta waxaad indhihina ku aragtaan in laga soo guray”.”Dadka ganacsatada ah oo ay ugu horreeyaan Culimadu waxaanu leennahay waar illaahay ka yaaba, oo bulshada aad ka dhex ganacsanaysaan waxa aad kaga dhex ganacsanaysaan hoos u eeg”. Ayuu yidhi Xogahuhu.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here