Hargaysa, (Hubaal) – Xoghayaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Marwo Rooda Cabdi Muuse ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Madaarka caasimadda Somaliland ee Hargeysa ee Igal International Airport, taas oo ka soo guryo noqotay safar shaqo oo ay dalka Sweden ugu maqnayd in mudo ah.
Soo dhaweynta xoghayaha dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xisbiga Waddani ayaa waxa ka qayb galay xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbigaasi Mustafe Maxamuud Qodax, xoghayaha qorshaynta ee xisbiga WADDANI Cabdirashiid Riyo-raac, xogyaha xanaanada xoolaha Xasan Goodaad iyo taageereyaal tiro badan.
Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay xoghayha arimaha gudaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Mustafe Qodax, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Saaka waxaa noo farxad ah hadii aanu nahay masuulyiinta iyo taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani in aanu saaka ku soo dhaweenay madaarka caasimada Hargaysa Rooda Cabdi Muuse Oo Ah Xoghayha Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Ee Xisbiga Wadani Oo safar shaqo muddo ugu maqneed wadamada dibad waxan ku leenahay rooda ku soo dhawoow dalkaagii.
Waxaa kale oo aanu u mahad naqanaynaa tageeraysha dumarka u badan ee aad ka u jecel Rooda soona dhaweeyey xoghayha”ayuu ku soo koobay hadalkisii Mustafe Qodax.
Sidoo kale waxa isna dhinaciisa ka hadlay oo madasha hadlo soo dhaween ah ka yidhi xoghayha qorsheenta ee xisbiga Waddani Cabdirashiid Riyo-raac waxaana uu sheegay in uu maanta magaaladda Hargaysa ku soo dhaweenayo Marwo Rooda Cabdi Muuse oo uu ku tilmaamay masuuliyiinta dhalinyarada ah ee aadka u firfircoon ee xisbigooda Waddani. Isagoo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu yidhi C/rashiid Riyo-raac “Saaka sidaa hore loo sheegay waxanu soo dhaweeneynaa xoghayha dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xisbiga Waddani waxana ku leenahay xoghaye ku soo dhawoow dalkaagii iyo dadkaagii.
Waxaanu se kuu sheegaynaa in wax badan is bedeelen intii aad maqneed saaka waxaanu jecel nahay in aanu warbaahinta iyo dadkaba aanu tusno baarkinkii uu lahaa madaarku in loo diiday in qof qudhi gaadhigiisa uu soo galo sababta oo ah madaxweynaha ayaa dhoofaya waxaanad ogtahay xoghaye waxa ka dhacaya awdal iyo barigaba aad iyo aadana arimaahas waanu uga xunahay xisbi mucaarid ahaan”.
Ugu danbeetii waxaa madasha ka hadashay oo hadalo u badan mahad naqna madasha ka tidhi Mawro Rooda Cabdi Muuse Xoghayaha DhalinyaradaIyo ciyaaraha Ee Xisbiga Wadani, waxaanay tidhi “Marka koowaad waxaan salamayaa masuulyiinta xisbiga mar labaad waxaan salamayaa asxaabtayada iyo tageerayaasheyda quruxda badan ee maanta ugu soo dhaweeyey magaalada hargaysa waxaan idiin leeyahay waad mahad santahiin.
Waxaan jecelahay in aan ka hadlo in kasta oo aanan qurbo joog aheyn lakiin marka uu qofku dalka dibada uga yara baxo waxaa uu diirada saraa oo mar waliba uu diirada ku hayaa dalkiisa heer gobol ilaa heer degamo waxaa ka socda iyo siday wax u socdaan .
sidaas awgeed waxaan arkayaa oo aan qirayaa xukuumadii Somaliland iyo shacbigeedii in ay laba wado kala qaaden waliba ay is deydeyayaan xukuumadu waxaa ay qaaday wado shacabiga reer Somaliland waxaa ay qaadeen wado sababta labada wado loo kala qaadayna waxaa iska leh golaha wasiirada ee xidhiidhina lahaa bulshda iyo xukuumada ayaa waxa ay noqdeen qaar aan xidhiidhin karin bulshada reer Somaliland iyo xukuumadi.
Sidaas awgeed gidaaro cidla ah iyo wasaarado cidlo ah ayaa in ay nuuradayso oo qandaraaska yaa la siinyaa ayaa ay golahii wasiiradu ku mashquul san yahiin shacabigii rer somaliland wado kale oo aanay garaneen meel ay socdaan ayaa ay qadeen”. ayaa ay tidhi Marwo Rooda Cabdi Muuse.