Xoghayaha D/Hoose Oo Bulshada Hargeysa Ugu Bushaareeyey In Ay Ka Baxayaan Waddo Xumaanta

0
162

Hargeysa(Hubaal)- Xoghayaha Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, Md. Cali Xasan Cawaalle, ayaa bulshada reer Hargeysa ugu bushaareeyey inay si degdeg ah waddo xumaanta uga baxayaan, isla  markaana D/Hoose, ay ku hawlan tahay casriyaynta iyo dib-u-dhiska waddooyinka magaalada oo dhan.

 

Xoghayuhu wuxuu  intaas ku daray in loo baahan yahay in bulshadu ay dhankooda ka soo baxaan xilka saaran oo ay cashuurta ku waajibtay si xalaal ah iskaga bixiyaan si ay dawladda hoosena ugu fududaato in ay  u qabtaan adeegyada ay dadweynuhu uga baahan yihiin oo ay dhismaha waddooyinku ka mid yihiin.

 

“Beryahanba waxaannu ku jirnay dhismaha waddooyinka caasimadda Hargeysa iyo hagaajintooda caasimad aan waddo lahayni caasimad noqon mayso, bilicda caasimadda iyo adeegga magaaladuba wuxuu ku xidhan yahay waddooyinka.

Wax badan ayaa laga cawday waddooyin xumaan ka jirta caasimadda maanta waxaannu waddadii ugu qaalisanayd ee Roogga ahayd aanu dhigaynaa waddada dhakhtarka dabadiisa marta,”ayuu yidhi Cali Xasan Cawaale oo  kormeeray shalay dhismaha jidka labaad ee caasimada Hargeysa.

Xoghayaha Dawladda Hoose oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi;  “Waxaa kaloo  ka horreeyay waddooyin kale oo aanu soo dhammaystirnay oo ay ka mid yihiin waddadii Turbataariyada.  waxa kale oo aanu  dhammaystirnay waddooyinka kala ah Ta Maxkamadaha hormarta iyo ta State House-ka,  waxaanan bulshada ugu baaqayaa in ay cashuurta iyaguna si wanaagsan iskaga bixiyaan isla  markaana wax kasta oo waxqabad ah oo la wado ay gacan nagu siiyaan.”

 

“Waddooyinku waa horumarka iyo isu socodka waa kaabaha  inoo sahlaya markaa waddooyinkana aynu wada ilaashanno oo yaynaan innagu isku cidhiidhyin oo aynaan ku soo durkin,”ayuu yidhi  Cali Xasan Cawaale.

 

Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Cabdilaahi Buraale oo isaguna booqday jidkan, ayaa dawladda Hoose ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jirto casriyaynta waddooyinka waaweyn  magaalada. Waxaannu ka dalbaday shacabka inay Dawladda hoose kala shaqeeyaan horumarinta adeegyada guud.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here