Xoghayaha Fulinta Ee Gobolka Maroodi-jeex Oo Ka Hadlay Magacaabista Mas’uuliyiinta Cusub Ee Buuxinaya Jaggooyinkii Ay Banneeyeen WAsiirradii Is Casilay

0
29

Hargeysa (Hubaal):-  Xoghayaha Fulinta Gobolka Maroodi-jeex Xamse Ciise Cabdi ayaa waxa uu ku bogaadiyay Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sida uu u soo buuxiyay Wasiiradii is-casilay shalay (Isniin), una keenay kuwo u aqalma oo ku haboon xilkaasi.

Xamse Ciise waxa uu ILAAHAY uga baryay Wasiirada Cusub ee xilalka loo magacaabay inuu u fududeeyo, kuwa isku bedelka lagu sameeyeyna sidoo kale.

Xoghayaha Fulinta Gobolka Maroodi-jeex Xamse Ciise Cabdi, ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ku bogaadinayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sida uu u soo buuxiyay xilkii ay shalay baneeyeen Wasiiradii is-casilay, isla markaana uu u keenay Wasiiro ku haboon xilkaas oo u qalma, waxaanan filayaa inay xilkaasi sidii loogu magacaabay uga soo baxayaan.”

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

“Waxa kale oo aan si gaara u soo dhaweynaa xilka Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Somaliland loo magacaabay Ambassador Cali Salaan Jire oo hore u ahaa Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya, Cali-Shoonbe waa nin aqoonyahana, oo ku bahoon xilkaasi loo magacaabay, waxaanan ILAAHAY uga baryayaa inuu xilkaasi loo magacaabay u fududeeyo”.Ayuu yidhi Xamse Ciise Cabdi oo u waramayey Shabakada Hayaannews.

Hadalka Xoghaye Xamse Ciise ayaa waxa uu ka danbeeyey, kadib markii uu galabta Madaxweyne Siilaanyo soo buuxiyay shantii Wasiir ee iska Casilay Golaha Wasiirada Xukuumaddiisa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here