Xoghayaha fulinta ee Laascaanood oo Dhiirigeliyey Haween reer Sool ah oo dersaya barashada Distoorka JSL+Daawo

0
24

KA BOGO: Xoghayaha fulinta ee Laascaanood oo Dhiirigeliyey Haween reer Sool ah oo dersaya barashada Distoorka JSL

“Runtii haweenku sidoodaba markii hore waxba may doonan jirin, laakiin maanta idinka ayaa hormuud u ah”

Kulan oo ka dhacay Xarunta Jaamacada Nugaal ayaa waxaa lagu so bandhigay Dastuurka Somaliland .

Isuduwaha Wasaarada Dastuurka iyo Golayaasha SL ee gobolka Sool Yaasiin Cumar Ciise Aadan oo kulankan gadhwadeen ka ahaa ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirkada Biyaha SL Xoghayaha dawlada Hoose Gudoomiyaha Gobolka Sool iyo Maayarka degmada Laascaanood .

Kulan kan ayaa lagu soo bandhigay 70 meeyo hablood oo baraya barnaamijka loofu magac darey Shaqo qaran ee Somaliland.

Xoghayaha u ee dawladda hoose ee Laascaanood Cabdiraxmaan Khadar Maxamuud oo halkaasi ka hadlay ayaa Khudbad Dhiirigelin ah u jeediyey hablahaasi waxanu yidhi
“Intaas oo hablood oo barnaamijkii shaqo qaran Soo gabagabeeyey maantana baranaya dastuurkii ay KU shaqo geli lahaayeen ee JSL aad iyo aad baan ugu faraxsanaha. Runtii haweenku sidoodaba markii hore waxba may doonan jirin, laakiin maanta idinka ayaa hormuud u ah” ayuu yidhi Xoghaye Cabdiraxmaan.

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here