Xoghayaha G. Guurtida Oo Hargeysa Kaga Dhawaaqay Musharraxnimadiisa Jagada Madaxweyne-Kuxigeen Ee Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa +Daawo

0
30

Hargaysa (Hubaal)-Xoghaya Golaha Guurtida Somaliland Cabdilaaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) ayaa waxa uu maanta shaaciyay inuu u taagan yahay murrashaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga KULMIYE dhexdiisa.

C.laahi Ibraahin Habane oo ah Xoghayeyaashii Shirarkii Beelaha Somaliland Isla markaana Mudo badan qaab dadban ugu soo dhex Jiray Siyaasada Somaliland ayaa ku Nuux nuuxsaday Sababaha ku kelifay inuu u Tartamo Jagada Madaxweyne Ku Xigeen ee ka soo Bixi doona Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo ku Mudaysan 10-ka Bisha soo Socota ee November.

Sidaa waxa uu Cabdilaahi-Dheere waxa uu sidaa ku sheegay Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Hrageysa.

cabdilaahi dheere

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here