Hargeysa (Hubaal):- Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa xukuumaddu u adeegsatay Xadhigga Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Tabliiq-Sharci) oo ah Qareen madax banaan, kaasoo aanu jirin wax dembi ah oo uu galay, hase-yeeshee, Qoraal uu qaab Sharci ah u maray u gudbiyey Golahaas.
Sida aanu ka soo xiganay mareegta wararka ee Aftahannews.com oo xalay warkan ku daabacay boggiisa hore waxaa garyaqaankani uu ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee bilayska Hargeysa, halkaas oo uu 11 cisho ah lagu xidhay goobo kala duwan sida Xarunta C.I.D-da ee Hargeysa iyo Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa, kaasoo Maxkamadda la hor-geeyey Sabtidii toddobaadkan, isla markaana lagu waayey wax dembi ah sida ay Maxkamaddu caddaysay.
Hase-yeeshee, Ciidanka Baadhista Dembiyada ee C.I.D-da, ayaa sida Aftahannews.com qoray waxaa ay codsadeen inay Maxkamaddu muddo laba Maalmood ah u oggolaato inay ku soo baadhaan Kiiska uu u xidhan yahay Garyaqaan Maxamed Xasan, labadaas cisho oo ay Maxkamadda degmada Hargeysa oggolaatay, balse waa laga soo gudbay labadaas Cisho, isla markaana laguma celin Maxkamadda ee waxa uu muddo dhaaf haatan ugu xidhan yahay Saldhigga dhexe ee Booliska Hargeysa.
Qaabka iyo goorta la xidhay
Garyaqaan Maxamed Xasan oo ku sugan Golaha Wakiillada, isla markaana qaar Mudanayaasha ka tirsan Xarunta Baarlamaanka ugu gudbinaya Qoraalkiisa oo si guud dalka iyo dadka waxa Sharci ahaan uga qaldan iyo sida ay muhiimka u tahay in la saxo uu ugu soo jeedinayey Mudanayaasha Aqalkaas, kuna tusayey dhalliilaha ay leeyihiin ee dhinaca waajibaadkooda, ayuu Xoghaye Cabdirisaaq Siciid Ayaanle bixiyey Amarka xadhiggiisa.
Inkasta oo Weriyeyaal Aftahannews ka tirsani isku dayeen inay sababta uu Garyaqaanka u xidhay wax ka weydiiyaan Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaanay haddana noo suuragelin inaannu helno Xoghayaha.
Source: http://aftahannews.com/?p=43602