Hargeysa (Hubaal )- Xoghaya Guud ee xisbal-xaakimka KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee dalka Finland Axmed Cabdillaahi Khaliif oo socdaal shaqo ku soo gaadhay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa shalay.
Xoghayaha Guud ee KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, waxa uu uga mahadceliyey Guddoomiyaha xisbiga u qaabilsan Finland Mr. Axmed Cabdillaahi dardargelinta laamaha xisbal-xaakimku ku leeyahay dalkaasi ku yaal Yurub, sidoo kalena waxa uu u mahadnaqay guud ahaan taageerayaasha KULMIYE ee waddankaasi kaalinta ay kaga jiraan horumarka xisbiga KULMIYE.
Waxa kaloo Xoghaye Xasan Siciid uu xog-warran ka siiyay Guddoomiyaha xisbiga ee Finland xaaladda guud ee dalka iyo hawlaha KULMIYE ee uu ugu diyaargaroobayo doorashooyinka madaxtooyadda iyo Wakiillada ee soo socda.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee dalka Finland Md. Axmed Cabdillaahi Khaliif, ayaa isna dhankiisa ka xog-warramay waxyaabaha u qabsoomay iyo halka ay marayaan hawlaha xisbiga ee laamaha Finland , waxaannu uga mahadceliyay masuuliyiinta KULMIYE soo dhaweynta ay ku qaabileen.
Ugu dambayntii, Guddoomiye Axmed Cabdillaahi Khaliif waxa uu xusay in socdaalkiisu qayb ka yahay sidii xisbiga KULMIYE ugu diyaargaroobi lahaa doorashooyinka foodda inagu soo haya iyo sidii xisbul-xaakimku mar kale u hannan lahaa hoggaanka dalka doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan 2017.