Sarkaalka FIBA Oo Ka Qayo-yaabay Aasaar Qadiimi Ah Oo Wasaaradda Dalxiisku Kasoo Ururisay Goobaha Taariikhiga ah Ee Somaliland
Xukuumadda oo Ka Warbixisay Kulamo Uu Shalay La Taliyaha Xog-hayaha Guud Ee FIBA La Yeeshay Madaxweyne ku xigeenka iyo Mas’uuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha
Hargeysa (Hubaal)- Mr. Lubomir Kotleba oo ah La-taliyaha Xoghayaha guud ee xidhiidhka kubadda koleyga adduunka FIBA, ayaa booqasho ku yimid caasimadda Somaliland waxaana ujeeddada socdaalkiisu ay tahay qiimeyn iyo xaqiiqo raadis uu ku sameyn doono ciyaarta kubadda koleyga Somaliland. Sarkaalkan oo ka soo shaqeeyay wadamo baddan oo adduunka ah, ayaa kormeer ku soo maray garoomadda lagu ciyaaro kubadda koleyga ee caasimadda Hargeysa, waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaatinkiisa Somaliland, isaga oo u mahad-naqay masuuliyiinta wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhka kubadda koleyga Somaliland oo dalka ku soo dhaweeyay, sidoo kalena warbixino dheeraada ka siiyay ciyaaraha koleygu halka ay hadda marayaan. Masuuliyiinta wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland oo warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaradda, ayaa sheegay in socdaalka masuulkani uu ku yimid dalka uu gogosha u xaadhi doono xaqa ay Somaliland leedahay ee dhinaca ciyaaraha iyo in la dhiso xirfadda tababareyaasha iyo ciyaartoyda kubadda koleyga ee Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaa dalka Somaliland booqasho rasmiya ku yimid Mr. Lubomir Kotleba oo runtii ah khabiir xagga kubadda koleyga ee adduunka, intii uu dalka joogay wuxuu eegay xaaladda kubadda koleyga Somaliland. Waa markii ugu horeysay ee xubin ka socota ururada caalamka ee ciyaaraha uu dalkeena cagaha soo dhigo, markaas ka wasaarad ahaan iyo ka qaran ahaanba aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay imaanshiyihiisa, waanan soo dhaweynaynaa, isaguna siduu noo ballan-qaaday wuxuu doonayaa inuu sameeyo xog ururin ku saabsan sidii uu Somaliland uga heli lahaa sawirrka dhabta ah ee ka jira, heerka uu gaadhsiisan yahay ciyaaraheedu, annaguna wasaarad ahaan waanu uga waranay tariikhda dalkani u leeyahay iyo hibbada dhallinyaradiisu ay u lahaayeen inay soo bandhigaan kartidaa kubadda koleyga” ayuu yidhi Agaasime Dhabeeye. Mr. Lubomir Kotleba oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in socdaalkiisu uu salka ku hayo u kuur-gelida xaaladda kubadda koleyga, waxaana uu yidhi “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan yimaado dalka Somaliland oo aan u kuur-galo xaaladda Sports, gaar ahaan kubadda koleyga oo metalaya xidhiidhka kubadda koleyga adduunka FIBA. Sidoo kale waxaan idiinka mahad-celinaya sida quruxda baddan ee aad ii soo dhaweysayn. Waxaan FIBA u gudbin doonaa wixii aan ku soo arkay Somaliland ee ku saabsan kubadda koleyga, waxaana idiinka gaadhsiin doona farriintiina ku aadan baahiyaha iyo caqabaddaha idinkaga gudban horumarka koleyga”. Ugu dambeyntii, wasiirka wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda ciyaaruhu ay diyaar u tahay inay horumariso ciyaaraha kala duwan ee dalka, meelka kastana ay u marayaan sidii ay u heli lahaayeen xaqqa dhinaca ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay, iyaga oo magaca qaranka Somaliland wax ku raadsanaya “Ninka khabiirka ahi Sports-ka uun buu nagala hadlayey, gaar ahaan kubadda koleyga. Garoomadda koleyga ee wiilasha iyo gabdhuhu ku ciyaaraan waanu soo tusnay, si fiicana wuu ugu boggay farsmadda iyo qaab ciyaareedka ciyaartoydii uu kula kulmay halkaas. Annagu tusaale ahaan inaanu diyaar u nahay ayaanu tusaynay inaanu u taaganahay ka wasaarad ahaan, meelkasta oo Sports-ku naga galo annaga oo Somaliland ah inaanu warkayaga ka jeedino” ayuu yidhi Wasiir Maydhane.
Sidoo kale, sarkaalkan ka socday xidhiidhka kubadda koleyga caalamka ee FIBA ayaa wuxuu soo kormeeray qeybta dalxiiska ee xarunta wasaaradda, oo ay yaalaan Aasaar baddan oo qadiimiya kuwaas oo laga soo uruuriyey goobo taariikhiya oo ku yaala Somaliland. Ugu dambeyntii, Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Mr. Lubomir Kotleba ku qaabilay xafiiskiisa qasriga madaxtooyadda,.