Xoghayihii Hore Ee Ururka Suxufiyiinta NUSOJ Ee Soomaaliya Oo Shir uu qaban lahaa laga hor istaagay iyo Ajaanib la socotay Oo la baadhayo.

0
19

Muqdisho{Hubaal} Xoghayihii hore ee NUSOJ Cumar Faruuq iyo koox Ajaaniba oo la socota ayaa saaka laga hor istaagay shir ay ku qaban lahaayeen Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel City Place.

faaruuqShirkan oo isagu si hoose maalmahan looga abaabulayey Magaaladda Muqdisho ayaa lagu sheegay mid saxaafadeed iyadoo sida uu sheegay wasiir kuxigeenka wasaarada Warfaafinta Cabdullahi Colaad Rooble aysan wasaaradiisu kaba warheyn shirkan”Qolooyin fadqalalo ku haya Saxaafada ayaa la sheegay in ay shir qabanayaan iyo Ajaanib aysan Wasaarada ka warheyn oo iyagana tababar bixinaya, waxa ay barayaana aan la ogeyn saxafiyiinta, kuwaa oo ay ku daba jiraan laamaha amaanka”

Qeyladhaanta kasoo yeedhay wasaarada oo iyadu aanba ka warheyn shirkan ayaa sababtay in markiiba hay`adaha ammniga ay joojiyaan shirkaa iyadoo maalintii shalay uu shir jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahin Bakistaan kasoo baaq u diray dowlada isagoo yiri”“Waxaan ugu baaqayaa dowlada in ay Cadaalda hor keento Cumar faaruuq,waxa uu mar walba ka shaqeeyaa dhibaatada saxaafada”.

Cumar Faruuq ayaa isagu lagu eedeeyey in uu lunsaday hanti badan oo lagu gargaarillaha Saxafiyiinta kuwooda dhibka uu lasoo gudboonaado hadey ahaan laheyd kuwa dhaawacma ama kuwa la dilaba iyadoo hey`adihii Caalamiga ee lacagaha uu lunsaday bixiyey ay keentay in ay joojiyaan in ay wax ku aaminaan xoghayihii hore ee NUSOJ Cumar Faaruuq waana tan uu markii danbe xilkii uu ku waayey iyadoo Dacwado dhowra oo laga gudbiyey Cumar Faaruuq ay yaalaan Maxkamada.

xigasho: Hilaacmedia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here