Muqdisho:(Hubaal)-Waxa magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya si xawli ah uga socda olaleyaal iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo laguu kala riixanayo codadka xubnaha aqalka Baarlamaanka, kuwaas oo ay wadaan siyaasiyiin gucle ugu jira inay dalkaas madaxweyne ka noqdaan.
Wararka lagu kalsoonaan karo oo aanu helnay ayaa muujinayo inay madaxda madasha wda-tashiga qaranka ee dalkaasi go’aan ka gaadheen in doorashadda Guddoonka Barlamaanka la qaban doono bisha January 5-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka, halka Doorashadda Madaxweynaha la qaban doono isla bisha January 22-da ee sannadkaas.
Madasha Wada-tashiga Qaranku waxay go’aan ka soo saareen Shuruudaha laga doonayo Musharixiinta ku loolami doono Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna Shuruudahaasi kala yihiin:-
- Inuu Musharax Madaxweyne kasta bixiyo Kharajka Diiwaan-gelinta oo dhan 30,000 oo Dollarka Maraykanka.
- Inuu Musharax kasta taageero ka haysto ugu yaraan 30-Xildhibaan oo xaq u leh inay codeeyaan.
Sidoo kale, Qoraalka qabyadda ee hordhaca u ah War-murtiyeedka ay sida wadajirka u saari doonaan Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa waxaa kaloo lagu go’aamiyey:
Dhinaca kale, Musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaan weli ka hadlin Shuruudaha lagu soo rogay, mana kala cadda inay buuxin doonaan Shuruudda Lacagta Diiwaan-gelinta oo dhan 30,000 oo Dollar.
Musharixiinta xilka Madaxweynaha waxaa ku jira kuwo taageero Dhaqaale ka helay Dowlado iyo Hay’addo Caalami, kuwo siyaabo kale ku helay Kharajkaasi iyo kuwo Jeeble Musharax ah oo aan awoodi karin inay bixiyaan Kharajkaasi.
Tiradda Musharixiintaasi ayaa u muuqda in lagu soo koobay ilaa 9-Musharax oo keliya, marka la is-barbar dhigo tirada Musharaxiinta iyo 275-ka Xildhibaan ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.