Xogo Daaha ka Feyday Sharciyada Doonyo Kaluumaysi oo Ciidanka Ilaalada Xeebuhu ka Qabteen Degaanka Maydh

0
28

Ceerigaabo-(Hubaal)-Ciidanka Ilaalada Xeebaha G.sanaag ayaa dhowaan ka taxaabay lix doonyood oo nooca kallmuuyasiga ah kuwaas oo  wasaarada kaluumaysigu siisay ruqsad ay ku hawl galaan.

Dhacdadan oo cadho xoogan ka abuurtay degmada maydh iyo guud ahaan gobolka sanaag ayaa ilaa hada aan wax xal ah laga gaadhin,ka dib markii ciidanka ilaalada xeebuhu ka dhega adaygeen inay u hogaansamaan nidaamkii wasaarada kaluumaysiga oo iyadu ah tan ka masuulka ah dhamaan hawlaha la xidhiidha kaluunka iyo khayraadka kale ee bada.

Ciidanka ayaa ku doodaya in doonyaha laga kaxeeyay maydh yihiin kuwo bilaa sharci ah,hase ahaatee waxa arintaa si adag u dedefaysay wasaarada kaluumaysiga oo sheegtay in doonayahani hasystaan sharciayadii,si waafaqsan nidaamka dalkana ku hawl gelayeen.

Madax dhaqameedka iyo masuuliyiinta kale ee gobolka sanaag ayaa talaabada doonyaha lagu geeyay ber-bera ku tilmaamay khald taariikhi ah oo laga galay nidaamkii dawliga ahaa ee mandaqadaa,waxayna ugu baaqeen xukuumada dhexe gaar ahaan madaxweyne Siilaanyo inuu arinkaa wax ka qabto.

Xiligii arinakani dhacay ayaa gudoomiyaha gobolka sanaag  Maxamuud Cali Saleebaan wuxuu la tacaalayay daminta shaqaaqo beelo walaalo ah ku dhex martay  koonfurta magaalada c/gaabo,iyadoo gudoomiyuhu yahay nin maamul ahaan aan jeclayn in cid kale ku soo fara geliso gobolka uu masuulka ka yahay.

 xog

Talaabadan ay ku keceen ciidanka ilaalada xeebaha ayaa wadanka ka abuurtray xiisad iyo in su’aalo badan layska weydiiyo halka ay ku biyo shuban doonto,iyadoo noqotay markii ugu horaysay taariikhda somaliland in gobol,gobol kale ka yeesho sarayn iyo haybad  lagu minja xaabiyey hay’ado dawladeed oo sharci ah.

xigasho: Qarannews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here