Xogo Dawladda Kiiniya Ku Xidhiidhiyey Dabinno Soohan Oo Lagu Laba-dibleynayo Duullimaadyada Hawada Sare Iyo Jallaafooyin Hor Leh Oo Ay U Dhigtay Qoddob Kadab-go’ Ku Ah Dakhligeed

0
41

Xogo Uu HUBAAL Helay Oo Farta Ku Fiiqay  Sababaha Hortaagan In Maamulka Hawada  Laga Soo Wareejiyo Nairobi Iyo Ficil-tanka Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Caqabad Lagama Gudbaan ah Noqotay

 Hargeysa:(Hubaal)-Kadib markii badhtimihii  Tooddobaadkii  dhammaaday uu guuldarro ku dhammaaday shir maamulka Hawada u qaabilsan Dawladaha somaliland iyo Somalia uga furmi lahaa magaalada Nairobi, isla-markaana lagu lafoguri lahaa sidii Maamulka Hawada loogu soo wareejin lahaa carriga somalidu, ayaa waxa soo baxaya xogo dheeraad ah oo daaha ka fayday caqabadaha hortaagan in arrimahaas horumar laga gaadho. Xogo uu helay Wargeyska Hubaal oo arrinta Hawada Soomaalida u dhuun daloola ayaa caddeeyey in caqabada koowaad tahay Dhinacyda Somalia iyo somaliland oo aan daacad ka ahayn in heshiiskaasi si dhexdhexaad ah u meelmaro, waxana ay ku hawllan yihiin inay isu dhigaan dabinno horleh oo diidan in wax la isku waaqsan yahay la gaadho. xogta arrimaha hawada slandUgu horrayn waxa jirey Heshiis  Sanadkii 2013-kii uu wasiirkii Duulista Hawada Somalia la saxeexday UNDP iyo Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan dhinaca Hawada ee ICAO, waxana heshiiskaas nuxurkiisu ahaa in dhammaadka  Sanadka 2014-ka maamulka Hawada somalida si toos ah loogu wareejiyo Gacanta somalida, isagoo markaas metelayey Dawladda Somalia, balse somaliland halkaas laguma soo hadal qaadin.  Somaliland ayaa heshiiskaas si weyn uga soo horjeedsatay, waxana ay arrintu gaadhay inay Diyaaradaha qaramada midoobay leedahay ka mamnuucdo Hawadeeda, balse waxa lagu qaboojiyey mar dambe in talo dambe loola iman doono, waxana ay Fasaxday isticmaalkii hawadeeda ee Diyaaradaha qaramada midoobay, iyadoo aan wax qoraal ah la kala saxeexan, balse afka oo kali ah looga sameeyey Ballamo aan wali hirgelin oo laalan. Marar badan oo dambe ayaa dhinacyada Somaliland iyo Somalia isku yimaaddeen, iyadoo sanadkii 2014-kiina heshiis ka dhacay dalka Turkiga lagu heshiyey in maamulka Hawada Somalida laga soo raro Magaalada Nairobi, isla-markaana loosoo raro magaalada Hargeysa, balse arrintaasina wali ma suurtoobin.Marka laga yimaaddo haddaba Jallaafooyinka labada dhinac isku dhigaan ee ay iskugu diiddan yihiin in Maamulka Hawadu gacanta midda kale soo galo, ayaa waxa si rasmi ah loo xaqiijiyey in Dawladda Kenya oo  haatan Dalkeeda laga maamulo Hawada soomaalidu tahay caqabad weyn oo aan si fudud looga gudbi Karin. Wararku waxa ay intaas ku darayaan inaanay   Kenya  ku qanacsaneyn in Xafiisyadaasi loo soo raro Magaalada Muqdisho ama Hargeysa waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Kenya ay Beesha caalamka ka dhaadhicisay in Somalidu aanay  heysan Xubno khubaro ah iyo kuwo cilad bixiyayaal ah waa haddii ay soo baxdo cilad farsamo oo dhinaca hawada ahi, taasina ay noqotay caqabad soomaalidu wali ka gudbi la’dahay oo ay si joogto ah wararkeeda qaramada midoobay ugu gudbisay Kenya.  Caqabad kale ayaa ah inaanay qaramada midoobay dhab ka ahayn in Hawada dhinaca somaliland loosoo wareejiyo, iyadoo kaliya dhegaysanaysa Dhawaaqa dhinaca Somalia, waxana somaliland dhankeeda la taagan tahay dacwad iyo qaylo-dhaan ay arrintaas kaga soo horjeeddo, iyadoo doonaysa in la hirgeliyo heshiiskii turkiga lagu galay ee dhinacyadu isku raaceen in Hargeysa loosoo raro maamulkka Hawada Soomaalida.  Caqadaha Kale ee la taaban karo, ayaa waxa kamid ah inaanay soomaalidu hirgelinin qoddob ku jirey Heshiiskii Hawadeeda ay kula soo wareegayso oo dhigayey in 100-khabiir dhinaca Duulista ah oo ajaanib ah la geeyo Geyiga soomaalida, si ay arrimaha duulimaadyada usii wadaan in Soomaalidu helayso khabiirro kaalintaas buuxin kara. Sidoo kale waxa hubaal ah in Xukuumadda Kenya ay Lacago adag ka hesho  maamulidda Hawada Soomaalida dhulkeeda laga maamulayo, waxana halkaas dadka soomaalida ah kaga luma lacago ay waxyaabo badan ku qabsan kari lahaayeen haddii wax ay isku raacsan yihiin la gaadho. Hay’adda iminka gacanta ku heysa Hawada Somalida ee ICAOInternational Civil Aviation Organization” ayaa ku andacooneysa in Sababaha keenay in Maamulka Hawada la gelin waayo soomaalida ay ugu horrayso arrimo Farsamo oo ay kaalin weyn ku leedahay inaanay soomaalidu lahayn qalabkii iyo Xirfaddii ay hawshaas ku qaban lahayd. Ma muuqdo xal labada dhinac Isku raacsan yihiin kaas oo ay kula soo wareegi karaan maamulka Hawadooda ku jirta Gacanta shisheeyaha, waxana wali dhinacyadu dabada sii hayaan   tashuush ku furidda tallaabo kasta suurtogelin karta in Waxa maqan la helo, iyadoo inta bandanna caqabaddu ka socoto dhinaca Dawladda Federal-ka Somalia.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here