Xogo Dheeraad Ah Oo Ku Dhereran Hirka FM-ta Ah Ee Fadhiga U Diiday Xukuumadda+Cidda Maal-gelisa & Mas’uuliyiin Lagu Xidhiidhiyey Baahinteeda+SAWIRRO

0
42

HUBAAL KA DAALACO: Xogo Dheeraad Ah Oo Ku Dhereran Mawjadda FM-ta Ah Ee Baadi-goob+ Halka Ay ka Hadasho, Cidda Maal-gelisa iyo Mas’uuliyiin Xukuumadda Ka Tirsan Oo Lagu Xidhiidhiyey Baahinteeda

Hargeisa-(Hubaal)-Wasiirka Wasaarada warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse ayaa sida Fiinta uga qayliyey Idaacad FM ah oo Magaceeda la yidhaahdo Baadigoob oo beryahan danbe habeenimadii xilliyada danbe laga baahiyo amaba laga dhegaysto gudaha iyo nawaaxiga Hargeysa.

Wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Cukuse ayaa sheegay inaanu Idaacadan isagu dhegaysan balse loo sheegay in xaafadaha Hargeysa qaarkood laga dhegaysto habeenkii,taas darteedna wuxuu ku afgobaadsadey inuu ciidamo hela halkay ku taallo hawlgeliyey.

Idaacadan Baadi-goob oo dhawr jeer la maqlay iyadoo hawada ku jirta ayaa lagu beegaa ama soo gasha xilliyada habeenkii marka Radiyow Hargeysa hawada ka baxo, ayaa la tibaaxay in  la tuhunsan yahay in laga baahiyo Goob aan sidaa uga fogeyn Radio Hargeysa (Kaanboolka idaacada), islamarkaana waxaa dadka aqoonta u leh idaacadaha noocan oo kale ahi aaminsan yihiin in Idaacadan Baadi-goob ay isticmaasho Transmiterada Idaacada Radio Hargeysa.

Idaacadan Baadigoob ayaa sas iyo salbabakh weyn ku riday, Jiif iyo Joogna u diiday xukuumadda  oo xilligii ay mucaraadka ahayd lahayd Idaacad si dhuumasho looga baahin jiray gudaha Hargeysa oo la odhan jiray Radio Horyaal taas oo ay weriyayaal ka ahaayeen Af-hayeenka madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Wargeyska Dawladda Ee DAWAN ayaa xoguhu tibaaxeen   in labadan mas’uul  ay wax badan ka ogyihiin idaacadan.

Geesta kalena waxaa jira xoggo kale oo iyaguna sheegaya in idaacadan Baadigoob ay maalgelisay, gacantana ku hayso koox ka mida  Garabyada xisbul xaakimka kuwaas oo aan weli is muujin balse weli garabyo u kala fadhiya, kuwaas oo la weriyey in ay   damacsan yihiin inay mucaaradad xoogan kala hor yimaadaan Xukuumadda ka dhalatay xisbigoodii maadaama oo ay  danahoodii ka dhex arki waayeen xukuumadda.

Haddaba Warka Idaacadan oo Faahfaahsan iyo Halka Laga Istaadho iyo Weliba Hawl-wadeennada Gacanta ku haya, Fadlan halkan guji si aad xog dheeraad ah uga hesho.

Horyaal

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here