Wargeys ka soo baxa Ingiriiska oo baahiyey in madaxweynaha Soomaaliya u fasaxay dekadaha Berbera iyo Boosaaso dalalka dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta Yemen
Hargeysa (Hubaal)- Dawladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, ayaa fasaxday in dalalka xulafada ah ee Sucuudigu hogaamiyo adeegsadaan hawada iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland si ay weeraro cirka iyo badda ah ugu qaataan kooxaha Xuutiyiinta ah ee lagula dagaalamayo dalka Yemen.
Xogo uu helay wargeyska la yidhaah The Guardian ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska, laguna baahiyey bogga uu ku leeyahay Internet-ka oo uu wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya fasaxay in xulafada Sucuudigu hoggaamiyo adeegsan karaan dekeddaha magaalada Berbera ee Somaliland iyo Boosaaso oo ku taal waqooyi-bari Soomaaliya, iyadoo labadaas dekadood loo xusay sida ay ugu dhaw yihiin dalka Yemen.
Sida lagu sheegay xogaha wargeysku soo xigtay, dawladda Muqdisho, ayaa hawada Soomaaliya oo Somaliland ku jirto dekadaha Berbera iyo Boosaaso ka kiraysay dalalka qanniga ah ee gacanka Carabta oo Sucuudigu hormuud u yahay, iyadoo aan la sheegin xadiga dhaqaale ee dalalkaas lagaga qaatay isticmaalka hawada iyo biyaha Somaliland iyo Soomaaliya.
Wargeyska the Guardian ayaa soo xigtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mr. Cabdisalaan Hadliye, si rasmi ah u shaaciyey inay xulafada dalka Sucuudiga u fasaxeen isticmaalka iyo adeegsiga hawada iyo badda Soomaaliya.
“Waxa aannu ka werwersanahay xaaladaha qalafsan ee ka jira dalka Yemen, iyadoo dhibaatooyinka ka jira Yemen ay qaar la mid ah ka taagan yihiin Soomaaliya, sidaas darteed, ma daawan karno xaaladaha qalafsan ee ka taagan, waxayna kooxaha Xuutiyiintu isku dayayaan inay afgambiyaan dawladda sharciga ah ee Yemen, waxaanna dalalka Carabta ay masuuliyad ka saran tahay inay badbaadiyaan, Soomaaliya-na door ayey ka qaadanaysaa in dhibkaas la soo afjaro,” ayuu yidhi wasiirka khaarajiga Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shirkii Jaamacadda Carabta ee ka qabsoomay dalka Masar bishii March ee sannadkan, waxa uu kulan kula yeeshay hoggaamiyeyaasha dhawr dal oo Carab ah, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Sucuudiga, Masar iyo Yemen, isagoo xilligaas u ballanqaaday in Soomaaliya taageerayso dagaalka lagula jiro kooxda Shiicada ah ee Xuutiyiinta dalka Yemen.
Aqoonyahanno Soomaali ah oo la hadlay wargeyska The Guardian, ayaa sheegay in aanay dawladda Soomaaliya ka fikirin dhibaatooyinka taageeradooda Sucuudigu u gaysan karto qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Yemen oo tiradooda lagu tilmaamay ilaa 150 konton kun oo qof.
“Dadka Soomaalidu waa sunni, halka kooxda Xuutiyiintuna ka yihiin shiico, sidaas darteed, in dawladda Soomaaliya taageerto dagaalka uu hoggaaminayo Sucuudigu waxay khatar gelinaysaa qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen jooga, kuwaasoo loo arki karo inay cadaw yihiin, halkii loogu aqoonsan lahaa qaxooti….Laakiin sababta qudha ee Soomaaliya u taageertay Sucuudigu waa inay ka hesho dhaqaale, maadaama ay dagaalka hogaaminayaan dalalka qanniga ah ee Carabtu, waxaanna la eegay oo qudha sidii lacag loo heli lahaa.” Sidaa waxa yidhi aqoonyahan Soomaali ah oo la yidhaah Xasan Nuur.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wasiirro ka tirsan xukuumadiisa, ayaa hore u caddeeyey inay taageerayaan hawlgalada Sucuudigu hoggaamiyo ee lagula dagaalamayo kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen, isla markaana ay dawlad ahaan ogolyihiin in xulafada Sucuudigu adeegsan karaan hawada iyo dekedaha Somaliland.
Dawladda Somaliland, ayaa sidoo kale dhawr jeer oo hore sheegtay in aanay Soomaaliya awood u lahayn inay ku fasaxdo hawada iyo dekedaha Somaliland, cidda qudha ee arrintaas lagala xaajoon karaana tahay xukuumadda Somaliland, balse madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu weli kama hadal warkan cusub ee lagu daabacay wargeyska The Guardian, kaasoo lagu caddeeyey in Soomaaliya bixisay hawada iyo dekedaha Somaliland, kana kiraysay xulafada dalka Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta ee waddanka Yemen.
source:jamhuuriyamedia