Hargeysa(Hubaal) wararka ka imanaya dalkaasi Faransiiska ayaa sheegaya in Intooda badan mareegihii Internetka Ee mamulada Magaaloyinka Faransiiska la jabsaday waxaana La wareegay kooxaha Wax kharbuda ee Hackers-ka loo yaqaan oo taageersan Islaamiyinta ISIS Waxaana bogaga hore ee mareegahan la jabsaday lagu dhejiyay fariimo loogu hambalyaynayo Weerarki alqaacida ku qaaday Dhowaan Jornaalki CHARLIE HEBDO.
sida ay qortay jariirada the daily mirror Mareegahani la jabsaday ayaa waxaa kamid ah kuwii Dowladaha Hoose ee magaalooyinka, Jouy-le-Moutier, Piscop, Goussainville, Val D’Oise iyo Ezanville. Dhamaan magaalooyinkan ayaa u dhaw caasimadda Paris.
Bogaga hore ee mareegahan ayaa Farimaha lagu dhejiyay waxa qarkood Udhignaayeen Sidan:-
(Guul Maamulka IS, Ha dhacdo France, Hala Dilo Charlie Hebdo, Falastiin ha hesho Xoriyadeeda…) iyo erayo kale.
Ma cadda illaa iyo hadda cida ka danbeysa falkan oo lagu soo beegay xili wadanka France si weyn looga dareemay saameyntii weerarkii Arbacadii lagu qaaday xarunta wargeyska Charlie Hebdo iyo waliba weeraradii ka danbeeyey ee afduubkii kooxahaasi jimcihii geysteen.