Tartanka ganacsiga dunidu sida uu u adag yahay wax aad mooddaa kayn bahalagaleen ah. Sayladaha dunida in la gu ka la adkaado waxaa loo maraa tab iyo xeelad iyo xoog walba oo suurtagal ah ama aan suurtagal ahayn. Taas baa keenta dagaallo dalal dhan la gu qabsado ama la gu dumiyo, gumaad, barakac, dawlado siyaasaddooda la afduubo, basaasnimo iyo is boqnagoyn, shirkado iimaanla oo awood leh, iyo kun balaayo oo la mid ah. Tabaha ganacsi ee bahalnimada ah waxaa ka mid ah in cidda loo dan lee yahay iyada iyo waxeedaba sumcadda la ga dilo. Sida ay maanta dunida wax uga dhacayaan haddii loo yara fiirsado baqdin iyo argaggax baa la ga qaadayaa. Sidaa darteed cidda aan yeelan aqoon, awood iyo karti ay is ku caabbido aayaheedu ma wacna.
Ganacsi? Haa, sida la wada og yahay waxa u gu mudan ee aynnu debedda u dhoofinnaa waa xoolaha nool, xoolahaas oo ah lafdhabarta dhaqaalaha isirka soomaalida. Xooluhu sida ay dhulka Soomaalida i gu dhaqmaan waa dhif dal kale oo la qabaa. Haddaba xoolahaasi idil ahaanba wax ay u dhoofaan dhulalka carabta, welina Soomaalidu dhab u gu ma ay guulaysan gaadhista suuqyada kale ee caalamka. Haddaba duunyada aynnu carabta u dirno shirkado iyo dalal badan baa tartan adag ku la jira, waana hubaal oo kuwaasi waddo walba waa ay u maraan in ay soomaalida suuqa ka riixdaan. Xoolaheenna oo ay sumcadda ka dilaan iyo galaangal siyaasadeed oo ay dalalka xoolaha innaga iibsada ku sameeyaan ayaa wax walba beddeli kara.
Sacuudigu waa dalka kowaad dunida ee aynnu la lee nahay dano dhaqan iyo dhaqaale. Dalkaasi mar masaafad ahaan wuu inoo dhow yahay, is la markaa lacag badan buu haystaa. Marka xigta dalkaa waxaa ku yaalla labada meelood ee diin ahaan inoo barakaysan (Maka iyo Madiina). Kolka xigta la ga soo bilaabo badhtamihii qarnigii tagay, gaar ahaan la ga soo bilaabo sannadihii 1970-nadii, kolkii qiimaha baadroolku samada galay ee dalkaasi barwaaqoobay, boqollaal kun oo bulshadeenna ah baa u xoogsi tagtay. Intaa waxaa dheer Hay’adaha diineed ee Sacuudiga oo afartankii sannadood ee tagay innagu soo afuufayay aragti diin-siyaasadeed oo aad inoo saamaysay. U gu dambayn iyo u gu horrayn waa dalka u ga badsada xoolaha nool ee aynnu dhoofinno. Iyada oo ay sidaa tahay, waxaa la odhan karaa dunida hodanka ah oo dhan Sacuudigu waa dalka inoogu dhabcaalsan xagga iskaashiga iyo mucaawanida.
Dhanka kale, dheelli laxaad leh baa ku jira xidhiidhka dalkaa innaga dhexeeya, dheelligaas oo goor walba dhankooda u qalliban innagana cagaha dhulka innooga qaada. Wax walba oo Sacuudiga ina dhex mara, dhaqan iyo dhaqaale, shuruudaha isaga ayaa leh oo sida uu doono u go’aamiya, goorta uu doonana ka baxa ama beddela. Ummaduhu danaha ka dhexeeya haddii aanay ku salayn oo ku wadin xeerar iyo anshax sugan dulmi weyn baa dhacaya. Dulmigaas buu Sacuudigu innagu hayaa.
Ganacsiga dalkaa innaga dhexeeyaa weligii iyo maantaba aad buu u qaab xun yahay, mana deggana oo kalsooni la gu ma qabi karo. Muddo dheer, gaar ahaan la ga soo bilaabo dabayaaqadii sannadihii1990-nadii iyo qaybtii hore ee 2000-nadii, Sacuudigu wuu joojiyay iibsiga xoolaha soomaalida, taana wax uu u sababeeyay cudur loo bixiyay Xumadda Dooxada Rift, cudurkaas oo ay yidhaahdeen xoolaha Afrikada Bari ayuu hayaa. Ma run bay ahayd mise arrin siyaasadeed? Dawladdii Soomaaliland ee kolkaa curdinka ahayd go’aankaa ka ma ay garaabin oo mid siyaasadeed bay u aragtay, Soomaaliyada kalena berigaa maamul dawladeed oo arrinka ka hadli karaa maba jirin. Si walba ha ahaatee xayiraaddaasi aad bay berigaa dhaqaalaha soomaalida oo dhan u xumaysay.
Maantana, mar kale, Sacuudiga waxaa aad loo ga hadalhayaa in uu jiro fayras la socda geela soomaalida, fayraskaas oo ay tuhmayaan in uu yahay waxa dadkooda ku riday cudur jaan oo ay cilinkiisa saari waayeen. Laakiin eedda meeshaa ku jirtaa waa in ay iyaga oo aan taa caddayn ah u hayn haddana tuhunkaa aad u faafiyay. Markaa arrinta oo dhami wax ay u ekaanaysaa dacaayad ujeeddaysan, ama u gu yaraan basarxumo dhaqan- siyaasadeed oo ay qabaan. Dhankeennana sidii berigii hore si la mid ah cudurkaa eeddiisa la ma qirsana. Haddii aynnu xusuusan nahay loollanka fooshaxun ee ganacsiga dunida ka jira, asaanay Sacuudigu tuhunkooda caddayn karin, maxaa diidaya innaguna in aynnu malaynno arrintuba in ay ujeeddaysan tahay? Sidaas bay halistu u weyn tahay. Beenabuur iyo dacaayad baa malyuumaad qof noloshooda saamayn xun ku yeelan kara, oo dad dhan dhaqaalahooda dhaawici kara.
Haddaba soomaalida Geeska Afrika ee wadaagta dhaqashada iyo ka ganacsiga xoolaha, waxaa qumman taa ilaalinteeda in ay u midoobaan isuna kaashadaan. Daryeelka xoolaha iyo wanaajinta sumcaddooda, adkaynta iyo joogtaynta suuqyada la hayo, iyo helista saylado cusub, arrimahaas ayaa u baahan in aad loo ga wada shaqeeyo.
Email: ibraahinhawd@hotmail.com