Xornimada Fikirka – W/Q. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Warsame

0
26

cabdiraxman cabdi warsameDadka wax qora haddii aad u fiirsato, waxaad dareemaysaa oo sida dayaxa afar iyo tobnaadka ah kuugu muuqanaysa in qayb badan oo dadka ka mid ahi aanay ka soo bixin, xaqii

uu ku lahaa qalinka ay kor u qaadeen.

Ama buug akhri ama maqaal ama war, wax kasta oo aad akhrido waxaad arkaysaa inay naftaadu tabayso waxa ka maqan qoraalkaa aad akhriyayso. Haddaba dadka wax qoraya ama ha ka ahaato baqasho iyo fulaynnimo ay dano gaar ah ilaashanayaan ama aqoon-darro ka haysata waxa ay qorayaane, waxaad arkaysaa in dadkaa qalibkoodu dabranyahay oo aanay masuuliyaddiisii uga soo bixin sidii loo baahnaa.

Ogaalkay dadka afka hooyo wax ku qora, maskaxdayda waxa kaliya oo ku sawiran dhowr qof oo aan is odhan karo waxay wax u qoraan si xor ah oo aanay cidna uga baqayn inay fikirkooda si madax-bannaan u soo bandhigaan. Waliba iyaga oo aan qalinka ku xad gudbayn, anshaxa iyo hal-adaygnimadana aan ka tagayn. Dadkaa marka aad akhriyayso waxa ay qoraan, waxay naftaadu kuu sheegaysaa inay ka dheregtay isla makaana haakah ka tidhi, mawduucii ay u soo hillowday, ee cinwaankiisa quruxda badani soo jiitay.

Dadkani sida madax bannaanida leh ee ay ra’yigooda qoraal ugu cabbiraan waxa u raacda iyada oo uu qoraalkoodu, ama ha ahaado siyaasad ama ha ahaado mid ku saabsan arrimaha bulshada e waxa uu ka madax bannaanyahay caadifad iyo nin-jeclaysi, waxa ay qorayaan ku salaynaya xaqiiqo jirta oo dadku wada arki karaan oo been ka durugsan.

Dadkani waxa ay caan ku yihiin in kolba qodobka taagan ee bulshadu u baahan tahay in loo bayaamiyo ay falanqayn ah oo ay dhinacyo badan ka eegyaan u soo bandhigaan iyaga oo aan cidna ka haybaysanayn.

Dadka haddaba qalinkoodu xidhanyahay ama la baqanaya waxa la odhan karaa waa sida qof qalinka iyo qoraalka caan ku ah oo qodobka ugu xasaasisan ee maalintaa dalka ka jira inta uu ka il-duufo, wax ka qoraya qodob kale oo aan xiisihiisu taagnayn, iyada oo waliba daka oo dhammi wada sugayaan bal fikirka uu ka qabo qofkaa miisaanka culus lihi. Bal haddaba ka warran qofkii sidaa loo sugayay haddii uu hoos isu dhigo isaga oo qoraya wax ay dadku kala hanweynaayeen.

Inkasta oo qoraalkaygan aanan cid gaar ah ula dan lahayn haddana waxaan barayahaaba u dhug lahaa oo isha la raacraacayay qoraallada lagu soo saaro degellada interne-ka af-soomaaliga wax ku qora. Waxaad arkaysaa qoraallo aad u badan oo dhaadheer oo laga yaabo mid walba qofkii qoray inuu ka qaatay wakhti badan, fikir badan iyo soo jeed badan, haddana waa la yaabe waxaad arkaysaa inay isku wada mid yihiin. Ma wax la qaadan karaaba haddaba in qoraalladaa aadka u tirada badani ay isku wada mid noqdaan oo isku mawduuc ka hadlaan haddii aan qalinka qoray xadhko waaweyn oo dabar adag ahi ku xidh xidhnayn. Waayo banii aadanka ma jiro qof la aragti ah qof kale ama haddii laga tagi waayo dad intaa leeg oo isku wada qodob ka hadli karaya. Waa hubaal inay jiraan dad ka hadli kara oo wax ka qori kara mawduucyo kale oo bulshada muhiimad iyo dan u ah, oo ka toosinaya meelaha ay ka liidato. Haddii qof waliba meesha bulshadiisu ka dayacan tahay ishiisu qabato oo u soo bandhigo waxa hubaal ah in dhinac walba oo danta bulshada ah la heli lahaa qof ka hadla. Haddaba waxa innoo ballan ah qalinka oo dabarka laga furo iyo qofna inaanu isha ka lalin arrin u baahan in wax laga qoro.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Warsame

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here