Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE + Saadaasha Saamiga ay Kala Haystaan Maaganayaasha Musharaxiinta Xisbiga KULMIYE

0
52

“Gaafwareega Samaale , Gabashadda Kijaandhe , Gaabiska Wasiir Biixi Iyo Laqanyo Geerarka Muuse Biixi Iyo Colkiisa “

Loolanka u dhaxeeya mudanayaasha ku loolamaya hanashadda  Xisbul xaakinka KULMIYE ayaa wali ku hirdamaya kala jiidashadda Xubnaha Golaha dhexe oo wakhtigan noqday xudunta ugu muhiimsan ee guusha lagu kala hanankaro,inkastoo aanay ilaa hadda loolanka golaha dhexe ee Xisbiga kulmiye ka muuqdan Wasiirkii hore ee maaliyadda cabdicasiis Maxamed samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe oo shaaciyay inay jagadda musharaxa weynaha u tartamayaan madaxweyne siilaanyo dabaddii.

Xogo Wargeyska SAHAN helay ayaa muujinaya in garabka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi si weyn ugu gacansareeyo xubnaha golaha dhexe , guddoomiye Muuse Biixi ayaa haystay aqlabiyadda Xubnaha Golaha dhexe oo ku salaysan beelo.

Beelaha Saamiga ugu badan ku leh golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa ah qaar badidoodu gacanta ugu jira Guddoomiye muuse Biixi  Cabdi iyo garabkiisa , Wasiirka Arrimaha debedda Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo ah garabka ilaa hadda sidda weyn looga dareemayo loolankooda xisbiga Kulmiye ayaa u muuqda kuwo loolankoodu ku hambaasamay shirar beeleedyo aan xidhiidh la ahayn golaha dhexe ee Xisbiga.

golaha

Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye  oo ka kooban 322 xubnood ayaa qaarkood ay xisbiga ka baxeen, halka siddoo kalenna aanay tiraddani ku jirin Xildhibaanadda iyo Golaha wasiiradda oo iyagu si toos ah uga midnoqonaya xubnaha golaha dhexe ,Wargeyska SAHAN ayaa helay saamiga ku salaysan beelo oo ay mudanayaasha Ku lagdamaya hogaanka Xisbul xaakimka kulmiye u kala hantiyeen Xubnaha golaha dhexe  iyo saamiga beeluhu u kala taageereen musharaxiinta  Xisbul Xaakinka ee ku wajahan shirka Golaha dhexe fooda inagu soo hayo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here