Xubnaha Golaha Dhexe Ugu Jira Beellaha Duco-yeelka reer Sh. Isxaaq Oo Taageeray Musharraxnimada Muuse Biixi & Saylici

0
29

Hargeysa (Hubaal)- Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ugu jira beelaha Toljecle iyo Ayuub, ayaa taageeray murrashaxnimada Guddoomiyaha xisbiga ee jagada madaxweynenimo iyo Madaxweyne-ku-xigeenka hadda oo mar labaad xilkaa u taagan – Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici. Xaflad casuumad qado sharaf ah oo murrashaxiintani ku sameeyeen huteelka Safaari ee magaalada Hargeysa shalay, taas oo ay ka qaybgaleen, wasiirro iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan, madaxdhaqameed, waxgarad iyo marti sharaf kale, waxa halkaasi aqlabiyadda xubnaha golaha dhexe ee labadan beelood ka shaaciyeen inay taageersan yihiin murrashaxnimada Muuse iyo Saylici uga tartamayaan shirka Golaha Dhexe ee xisbiga u muddaysan 10 bishan November 2015. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Md. Yuusuf Cismaan Garas oo ugu horreyn ka hadlay xafladdaasi, ayaa sheegay in labadan beelood oo lagu yaqaano duco iyo aqoon ay had iyo jeer guulaysato cidday raacaan, waxaannu yidhi, ScreenShot_20151105014352“Labada murrashax waxaan leeyahay taariikho badan oo aan u tagnaa meel lagu tartamayo waxa lagu kala baxayey afarta Toljecle iyo afarta Ayuub, markaa muddooyinkii dambe lama arag annagoo meel isku raacnaye maanta hadday meel u wada coddeeyaan labaddoodiiba waxay ka dhigantahay Somaliland oo midowday. Waxaanan rajeynayaa inay ducadu sidaas idinku raacdo oo aad noqotaan kuwo guulaysta oo u tartama Madaxweynaha iyo ku-xigeenka marka aynu codka ka raadinayno dadka. Waayo waxaan hubaa ama aan kalsooni ka qabaa xisbiga dhexdiisa inaan laysku habsaameyn ee aynu ku guulaysanayno.” Sidoo kale, Wasiiru-Dawlaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Daahir Camuud, ayaa isna taageeray doodda ah inay guushu raacdo tartannada siyaasadeed halkay kolba u coddeeyaan labada beelood. “Qolada Ayuub ayaa yidhaahda Muuse Biixi indhahuu naga lalinayaa, aniguna waxaan ku idhaahdaa idinkama lalinayee wuu idiin maqanyahay, waxaan sidaas u idhaahdaa marka aad doonayso inaad wax qaybiso qoyskaaga waa la qadiyaa, waayo waa qoyska xataa kuraasta ay haystaan baa laga qaadaa markaasaa cid kale la siiyaa, markaa Muuse idinma qadinayee, markuu dawladnimada helo ayuu xaqiina idin siin doonaa,” ayuu yidhi. “Muuse waqti badan baan la dagaalamay intii uu xisbiga ahaa iyo intii dibada aan joognay, laakiinse markii dambe meel aan kaga hadhoba waan garanwaayey oo waxaan go’aansaday inaan taageero, mar hadduu labadii dagaal ee hore ka soo gudbay waxaan idhi Muuse dhib kale oo dambe u gaysan maynee hadda waa xillgii la taageeri lahaa, golaha dhexe tiradiisii badnaydna waxay la socdaan isaga iyo Cabdiraxmaan Saylici. Cidda kale ee xisbiga murrashax ka doonaysaana hadday dad haysato may diideen shirka. Waxaan leeyahay Muusoow maalin walba siyaasadda waxbaa iska bedelaya. Haddii maanta qaar inaga maqanyihiin waxaad arki doontaa maalin dhow rag iminka meel fog inaga jiraa iyagoo inagu soo biiray, markaa xaalad kasta waa inaynu u dulqaadanaa.” Xildhibaan Maxamed Maxamuud Obsiiye oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada kuna jira Golaha Dhexe ee KULMIYE, ayaa tilmaamay in xisbigu ka mid yahay hay’adaha qaran ee ka dhexeeya ummadda Somaliland oo dhan, isla markaana kala duwanaanta fikirka iyo doodaha dhexdiisu ay ka mid yihiin curfiga caadiga u ah axsaabta siyaasadda ee dunida oo dhan, iyadoo la ilaalinayo shuruucda iyo xeerarka xisbi walba u yaal, sidaasi darteedna aanay habboonay in qof dartii la isku dayo burburinta iyo kala jabinta xisbiga. Isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi waxa uu xaq u leeyahay inuu xisbiga u wado sidii hore oo kale isagoo u eegaya inuu hay’ad siyaasadeed yahay oo u baahan in kala dambayn, wadashaqayn iyo wada socod. Wax badan baa Guddoomiyaha xisbiga hagar-daamo iyo dhib loo gaystay, taas oo uu shakhsi ahaan isagu u adkaysanayey, laakiin arrinta aan loo adkaysanaynin waa tan ku dhacaysa xisbiga, dadkan kala qaybinaya ama burburinaya xisbiga, kuwaas ayaa khalad sameeyey, xisbiga siyaasiga ah waa inaad ugu jirtaa inuu danihii Qaranka ama dadka uu matalayo, Muuse waa shakhsi oo qof walibana fikrad wuu ka qabi karaa, isagoo karayey diidmadan iminka la diidayo Madaxweynaha (qaadacaadda isbahaysiga murrashaxiinta) oo uu yidhaahdo isagoo awooddii guddoomiye leh aniguna dhinac baan ahay oo halkaasaan taagnaanayaa, hase ahaatee inta uu is dhiibay ayuu yidhi ciyaarta waa la kala badiyaaye waa la iga badiyey, nin siyaasi ah oo heerkaa gaadhay ma jiro.” “Shirweynihii KULMIYE ee 2014 go’aamadii ka soo baxay oo qaarkood xataa ka soo horjeedeen xeerarka xisbiga, haddana Guddoomiye Muuse wuu u adkaystay, kii (liiskii golaha dhexe) ayuu maanta hordhigay cid kastoo ka soo horjeeday uu yidhi xubnihii idinku aad samayseen oo dadkii iyo tiradii ah ayeynu ku tartamaynaa ee ka soo qaybgala, markaa ninka samra ee dul-qaataa guusha wuu gaadhaa.” Waxa kaloo uu si buuxda u taageeray murrashaxnimada Madaxweyne-ku-xigeenka hadda Md. Cabdiraxmaan Saylici oo uu sheegay inuu xaq u leeyahay in loo doorto oo weliba looga hadho doorashada xilligiisa labaad ee dastuurka Qaranku u ogolaaday, sidoo kalena, waxa uu ku ammaanay waayo-aragnimadiisa hoggaamineed iyo maamul ee uu kasbaday muddada shanta sanno iyo dheeraad ah ee uu hayey xilka. Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo mar kale u taagan xilkan Md. Cabdiraxmaan Cadbillaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadallo halkaa ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey, kana mahadceliyey taageerada loo fidiyey, iyagoo ka warramay shirka golaha dhexe iyo hawlaha kale ee xisbigaba. “Waxaynu nahay xisbi Qaran waxaynu isku kaashanaynaa in aynu ururinno ummadda reer Somaliland guud ahaanteenba waa in aynu dalka iyo dadkaba dhisno oo ummaddan horumar iyo isbeddel kolba intii la qabtay sidii wax loogu sii dari lahaa ayuun buu tartanka meesha yaal yahay ee mid qabiil iyo waxaa aynu ku tartamayno maaha, tartankeennu waxa uu ku fadhiyaa xisbinimo, marka xisbinimada lagu tartamayana waxa weeye halkii la joogay ayaa ka sii kordhin kara, waxa lagu tartamayaa waxa weeyey yaa wax ka beddelaya dhibaatooyinka dalkan ka jira, waayo dal aan la aqoonsanayn ayeynu nahay. Markaa annagu waxaannu u ballanqaadaynaa shacabka reer Somaliland in aannu dhammasytiri doono hawlihii xisbiga KULMIYE qabyada u ahaa, doorashada dambena aannu halkaa ka sii qaadno oo oo isbeddel xoog leh samayno.” Sidaa waxa yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici. Waxa kaloo madasha ka hadlay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Md. Cabdillaahi Ibraahim Habane, Axmed Xasan Carwo iyo Chief Caaqil Maxamed Cismaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here