Xubnihii Bariga Burco ee Dhawaan Ku Biiray Xisbiga WADDANI oo Walaac ka Muujiyay Xadhig Ay Sheegeen In Lala Maagan yahay.

0
43

Burco-(Hubaal)- Qaar Ka Mida Waxgaradka Beelaha Bariga Burco Oo Dhawaan Ku Soo Biiray Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Isla Markaasina Xaflad Soo Dhaweyn Ah Oo Uu Ka Soo Qaybgalay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cadilaahi (Cirro) Oo Ka Qabsoontay Hotel Cigaal Ee Magaalada Burco Ayaa Maanta Shir Jaraa,id Oo Ay Ku Qabteen Xarunta Xisbiga Wadani Laba Ka Mida Masuuliyiintii Xafladaasi Loo Qabtay Oo Kala Ahaa Caaqil Khader Xasan Xaaji Nuur Iyo Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Oo Ah Wiilka Uu Dhalay Suldaanka Guud Ee Beelaha Bariga Burco  Ayaa Waxa Ay ka Hadleen hadal ay sheegeen in si kale loo turjumay iyo xadhig ay sheegeen in lala maaganyahay oo xoriyada lagaga  soo horjeedo maadaama dalku xisbiyo yahay oo qofku xisbiguu doono galayo.

wadani1.jpg

Waxaana Ugu Horayntiiba Shirkaasi Jaraa,id Ka Hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Gobolka Togdheer Cabdirisaaq Ahmed Cali waxaana hadaladiisii ka mid ahaa.

“Shirkani Jaraa,id Ee Aynu Isugu Nimi ayaa waxay U Jeedadiisu Tahay Sixitaan. Waxaynu Ogayn Maalintii Dhaweyto ee hotel Cigaal Waxaynu Ku Qabanay Munaasibad Aynu Ku Soo Dhaweynaynay Qaar Ka Mida Beelaha Bariga Burco Oo Ku Soo Biiray Xisbiga Wadani Waxa Munaasibadaasi Ka Dhacay Wax Isdaba Marin Yar Khaladkaas Yar Oo Ahaa Xasan Suldaan Oo Ah Wiilka Uu Dhalay Suldaanka Guud Ee Beelaha Bariga Burco Oo Lagu Sheegay Inuu Yahay Suldaanka Guud Ee Beelaha Bariga Burco Mana Ahee Waa Inankiisii Uu Dhalay Suldaanku Intaanu Saxaynaa Waa Intaas Ee Maaha Wax Kale, Waxa Kaloo Jiray In caaqil Khader Xasan Xaaji Nuur Isna La Yidhi Waa Chief Caaqilka Guud Ee Beesha Aden Madoobe Oo Aanu Ahayn Ee Uu Yahay Caaqilka Beeshaas   Khalaadka Yar Ee Maanta Jiraa Ee Aynu Bulshada U Soo Bayaaminaynaana Waa Intaas Waad Mahadsan Tihiin” Ayuu Yidhi Gudoomiye Ku Xigenka Koowaad Ee Xisbiga Wadani Ee Gobolka Togdheer.

Geestiisana Waxa Halkaasi Ka Hadlay Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Oo Ah Inanka U Dhalay Suldaanka Guud Ee Beelaha Bariga Magaalada Burco Kaasi Oo Halkaasi Ka Bayaamiyey Khaladaadka Jira Iyo Waliba Hanjabaado Uga Imanaaya Xukuumada Somaliland Oo Ku Salaysan Inuu Ku Xadhig Mudan Doono Ku Biiritaanka Xisbiga Wadani Waa Sia Uu Yidhiye Waxaana Uu Yidhi

“Anigoo ah Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Maalintii Dhaweyd Ee Ay Bishu Ahayd 18kii Bishan Xaflad Balaadhan Oo Uu Xisgiga Gudoomiyahiisuna Goobjoog Ka Ahaa  Markaas Xafladaas Balaadhan Ee Xisbigu Noo Qabtay Ee aanu anana Taageerada Ku Bixinay Waxa Ka Dhacday In Qalada Anigu Waxaan Idhi anigoo Ah Inankii Uu Dhalay Suldaanka Guud Ee Habarjeclo Ee Beelaha Bariga Halkaas Waxay Ka Dhigeen Anigoo Ah Suldaankii Guud Anigu Ma Ihi Suldaankii Guud Waxaan Ahay Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Inankii Suldaanka Guud Ee Beelaha Bariga Burco Dhalay aabahay ayaa Suldaanka Ah Mar Haduu Aabahay Suldaanka Yahayna Wax Iga Maqani Ma Jirto Kumana Qabsan Karo isaga ayaa Shaqeeya Aniguna Waxaan Ahay Gacan Yarahisii Oo Inankiisii Ayaan Ahay Waxaana Wanaagsan Mar Haduu Qalad Dhaco In Qaladka La Qabto Waanan Qabanay Aniguna waxaan ahay ninkaas suldaaku dhalay maalintii horana sidaas ayaan munaasibada Ka Sheegay Maanta aan Leeyahay Xisbiga Wadanina Anigaa Taageero Cad U Muujiyey Hadana La Garab Taagan Aniga Intii ila Fikiriba, Waxa Jiray Hanjabaad Nooga Timi Xukuumada Oo Waxa Wadankaba La Galiyey Dibad Iyo Gudo Xasan Sulaadn Waanu Xidhnay Cid I Xidhayna Ma Jirto  Waar Waxaan Leeyahay Anigaa Si Cad U Taageeray Xisbiga Wadani Aabahayna Waa Kulmiye Ana Waxaan Ahay Wadani Waanan Ku Kala Fikir Duwan Nahay Ee Dadka Cabdudhinta Ha Laga Daayo” Ayuu Yidhi Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali.

Caaqil Khader Xasan Xaaji Nuur Oo Isna Halkaasi Ka Halay Ayaa Waxa Uu Yidhi “Halkan Maanta Waxaynu Isugu Nimi Hadal Aynu Maalintii Dhaweyd Ee Munaasibadii Ka Nidhi Oo Si Kale Loo Rogay Oo Cid Ka Faa,iidaysanaysaa Si Kale U Rogtay Oo Buuq Ka Dhigayey Beelahii aanu Ahayn Waxaa Cadaynayaa Inaana Anigu Chief aanan Sheegan Ee aan sheegtay anigoo ah Caaqil Khader Xasan Xaaji Nuur Iyo Taageerayaashaydii aanu Ku Biirnay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Chief Caaqilka Reerkuna Uu Yahay Ibraahim Shaybe Oo Uu Ka Wadani Ku Jira Chief U Yahay Oo Uu Ka Kulmiye K Jira Uu Isagu Chief U Yahay Kan Ucid Ku Jirana Uu Isagu U Yahay Waana nin wanaagsan Chiefku Oo Karaamaysan oo Reerka aanu Ka Soo Jeedno Hawl U Haya Wax Xumo Ahna Nagama Dhaxayso Ee Waxa aanu Ku Kaa Qaybsan Nahay Oo Kaliya Labada Xisbi Ee aanu Kala Taageersan Nahay.Waaan U Sheegayaa Dadka Qas Wadayaasha Ahna In Ay Waxaas Ka Waantoobaan Xisbiga Wadanina Waanu Ku Biirnay Wixii Nala Fikira Umada Somalilandna Waaan Leenahay Ku Biira Wadani.

Waxa Jirtay Han Jabaad aan Kala Kulmay Markaan Saaka Markii aan Shirka Ku Soo Kala Dareernay Odayaasha Saldhigaa La Tagay Oo Riboodhkaygu Yaalaa Oo  Ay Hada Boolisku i Baadi Gaabayaan, Waxaana Loola Jeedaa UJeedada Maxaad Wadani U Gasheen” Ayuu Yidhi Caaqil Khader Xasan Xaaji Nuur.

Siyaasi Foos Maxamed Ducaale ahna Kusimaha Suldaan Madar Maxamed Ducaale ayaa isna yidhi ”Arintani waa arin lagu xasaradaynayo dimuqraadiayada waxaana wada Wasiirada beesha,wixii laga tagay ee qabyaalada ahaaa ayay wadaan,in qof xisbi galay wax lala yaabo maaha,hadii Bahasha reero laga dhigo dee sidii dawladii C/raxmaan tuur ayaa laynooga dareeri,ee waxaanleeyahay wixii aynu ka nimi yaan laynagu celin,Madaxwaynaha habar jeclo kursiga may saarin waynagii saari kari wayanay,ee reer walba la shiaray anigu Kulmiyaan ahaa walaalkay oo wasiir ah.

Sidoo kalena waxaa iyaguna shirkaasi jaraaid hadalo ka soo jeediayay gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Gobolka Togdheer Xuseen Kaahin Xayd,Xogahayaha Xisbiga ee Gobolka aqoonyahan Cismaan C/laahi Cali iyo xubno kale oo xisbigaasi ka tirsan  waxaanay dhamaantoodba iyana si wada jir ah uga hadleen in xoriyada qawlka iyo mawqifka qofka leeyahay la ilaaliyo iyagoo xukuumadana ku eedeyay inay faragalin weyn ku soo samaysay mabda’a iyo go’aankii ay xubnahani qaateen ee ay ku taageereen xisbiga wadani oo ka mid ah axsaabta qaran ee dalka ka jirta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here