“Caalamku Inan-yar oo 18-jir Ah Buu Yidhaahdaa Waad Madax-bannaan tahay ee Ma In Ummad Dhan La Yidhaahdo Ma Madax-banaannaan Kartaan baa?”
Hargeysa (Hubaal):- Xukuumadda Somaliland gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, ayaa is-hor-taagtay Xubno ka socday 11 Jaamacadood oo dalka Soomaaliya ku yaalla oo kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo Arbacadii Burco ka furmay ku casuunnaa inay ka qaybgalaan, balse ay Wasaaraddu u diidday inay ka qaybgalaan Shirkaas. Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Cabdillaahi-dheere), ayaa Warbaahinta u sheegay in ay Xukuumad ahaan ka joojiyeen in ay Kulan-aqooneedka ay u yimaaddeen ka qaybgalaan Xubnaha ka socday Jaamacadaha Soomaaliya, markii sida uu sheegay arrimo siyaasadeed iyo xaasidnimo ay bilaabeen sida uu ku eedeeyey Xubnahaas. Waxaanu sheegay in Burco Gaadhi Bas ah lagaga soo qaaday isla dorraad Xubnahaas, isla markaana Khamiistii shalay diyaarad laga saaray Hargeysa oo dib loogu celiyey Soomaaliya.
Kulan-aqooneedkaas, waxaa maal-gelinayey Jaamacadda Carabta, waxaana soo qaban-qaabiyey Jaamacadaha dalalka Xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, kaas oo Shirar noociisa ah oo ka horreeyey oo kani daba socday ka qabsoomeen Hargeysa, sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Jaamacadda Burco markii kulankan Xubnaha Jaamacadaha Soomaaliya ka yimi laga saaray ka dib. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Cabdillaahi-dheere) oo Warbaahinta qaarkeed la hadlay, waxa uu ku dooday inay arrimo siyaasadeed ku jiraan Xubnahaasi, isla markaana intii Dawladda Madaxweyne Farmaajo timi Soomaaliya ay xaasidnimo bilaabeen, sida uu hadalka u dhigay. “Sanadkan markiilabaad ee shir noocan ah laqabanayay ayay ahayd oo Burco ayaa lagu qabanayay hase ahaatee nimankii intan ay dawladan Farmaajo timi dardar iyo cadaawad horleh ayay la soo baxeen”.
Sidaas ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi-dheere, waxaanu intaa ku daray “Hadaan anigu ku idhaahdo waar anigu waxayga gaaar baan u maamulanayaa [dee xaq baan uleeyahay; waayo] caalamku inan yar oo 18 Jir ah buu yidhaahdaa waad madax banaan tahay, markaa dee maaha in ummad dhan la yidhaahdo ma madax banaanaan kartaan, markaa [jaamacadahani] waxay keeneen xaasid nimo dheeraad ah, sidaasi darteed sidaasaanu u joojinay immika shirka, kuweenanan waa loo wadayaa iyagase waanu dhoofinaynaa” ayuu yidhi wasiirku kahor intaan laga dhoofin Hargeysa xubnahan oo 11 ahaa, waxaanu ugu dembeyntii intaas ku daray farriin ku socotay ururka Jaamacada Carabta “dee haddii ay ururka Jaamacadda carabtu halkooda [muqdisho]ugu tegeyaan ha ugu tagaan”.