Xubno Shaaciyey In Ay Iska Casileen  Guddida Dhismaha Waddada Hargeysa Ilaa Sallaxley

0
115

 

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiye-ku-xigeenkii labaad ee Guddida waddada cad Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar iyo Garaad Mustafe Maxamed Cumar oo kamid ahaa Xubin firfircoon oo Guddidaas kamid ahaa ayaa si rasmi ah u iclaamiyey inay Gebi ahaanba iska casileen Xubinnimadii guddidaas. Labadan xubnood oo warbaahinta kula Hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ku dhawaaqay inay si iskood ah uga tageen xubn-nimada Guddidaas Waddada Cad, waxana ay cabasho xooggan ka muujiyeen habdhaqan  ay sheegeen in lagula kacay shakhsiyaddooda muddadii ay Halkaas ka shaqaynayeen, isla-markaana uu dulqaadii ka dhammaaday. Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar oo isagu ahaa Guddoomiye-ku-xigeenkii labaad ee Guddidaas waddada cad oo ugu horrayn halkaas ka Hadlay, ayaa iclaamiyey iscasilaaddooda, waxana uu ku sababayeey in wanaaggii ay wadeen si fiican loola arki waayey,  “Anigoo ah Guddoomiye-ku-xigeenkii Labaad ee Waddada Cad ee Sallaxley-ina guuxaa iyo Hargeysa iyo xubin firfircoon oo Guddidaas ka mid ahayd, waxanu halkan ka iclaaminaynayaa arrin aan jeclayn sidan ay hadda u dhacday inay u dhicin waxanu iska casilnay guddidaas gebi ahaanba. Sababta aanu sidaas u yeellayna dee markii horeba annagu meesha mushahar kuma aanu qaadan jirine dadkayagaanu u shaqaynaynay annagaana is xilsaarnay, laakiin sidii aanu wax u wadnay dadkayagii way u dhadhami weyday.”ayuu yidhi Caaqil Cabdirisaaq.  Caaqilka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay qaadi kari waayeen yooyootan iyo is xagxagasho joogto ah oo ay la kulmeen intii ay Guddidaas ku jireen, isla-markaana aanay diyaar u ahayn inay kuraasta isku sii dhejiyaan, waxana uu yidhi,  “Waxanu noqonay laba qolo oo kursi isku haysta, taasina milgihii aanu umaddayada ka filaynay ma ah, afrikaankana waxa dilla in ninka wax qabta wixii u qabtay loo qiri waayo, markaa waxay noqotay inaanu hawshii ka baxno, saakana shir baanu u kallahnay oo wax aanaan filaynin, ayaa ka dhacay, Madaxnimaduna  khasab ma ahee waa inuu dadku raalli kaa noqdaa, hadii kale ninnka isku dhejiyaa waxa uu ka dhaxlaa xumaan uun. Annaguna kuwaas ma nihin, Dadkayaguna haddii ay naga raalli ahayn waa shaqaynaynaa haddii kalena waa ka baxaynaa ceeb kalena DSC05230meesha ma taallo.” Waxa uu Guddoomiye-ku-xigeenkii Labaad ee Guddida Waddada Cad intaas ku daray in cid kasta oo halkooda jeclayd ay iyagu meesha uga tanaasuleen, isagoo shacabkana ugu baaqay inay nasteexooda aqoonsadaan,“Guddi kale oo aanu ku jirney baa jirtay, taasna iyada si dhakhso ah baanu warkeeda usoo sheegi doonaa, laakiin iyana waa xigi doontaa, ciddii dagaallamaysay ee lahayd guddidii waa muddo dhaaftay ee soo yaacaysay ee moodaysay in meesha wax yaallaan waanu ka tagnay.umadduna haddii aanay garanayn ninka u xiiraya iyo ninka u hool hoolayaa dhibteeda ayey leedahay.” Ayuu yidhi Caaqilku. Garaad Mustafe Maxamed Cumar oo isaguna ah Xubinta labaad ee Guddidaas iska casishay, ayaa sharraad ka bixiyey go’aanka ay qaateen iyo waliba sida waayeeltinimada leh ee ay turxaan la’aanta bannaanka ugu baxeen.  Garaad Mustafe waxa uu ballan adag ku qaaday in ciddii iyaga ka daba qaylinaysay intii ay xilka hayeen  ay taas beddelkeeda toosh iftiin badan daba qaadan doonaan, isla-markaana aanay qarin doonin qaladaadka ay galaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here