Xubno Wasiiro Ah Ayaa Waxay Tilmaamayaan In Xisbiga Cadow Weeraraya Madaxweynaha Uu ugu Jiro” Muj. Maxamed Kaahin

0
77

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye mujaahid Maxamed Kaahin ayaa waxa uu iftiimiyay inay jiraan xubno wasiiro ah oo madaxweynaha ugu waramaya in xisbiga uu cadow weerarayaa ugu jiro madaxwenaha.

ina kaahin

Sidaasna waxa uu ka sheegay Mujaahid maxamed kaahin oo ka hadlayaayay shir jaraa’id oo maanta ay wada jir u qabteen madaxda sare ee xisbiga oo ay ku beeninayeen go’aankii ay shalay soo saareen shir guddoonkii kulmiye ee ay ku shaaciyeen xubnaha liiska guddida fulinta iyo liiska golaha dhexe ee xisbiga.

Mujaahidku waxa uu sheegay in madaxwenuhu uu yahay odaygii dalka balse rag wasiiro ah ayaa usheegaya in cadow ugu jiro xisbiga.

Gabagabadii waxa uu xusay inuu xulaya xubnaha guddida fulinta goddoomiyaha xisbigu sharciguna u siinayao.

 

mustafe faro

hubaal media network

Hargeysa office

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here