Masuuliyiin ka kooban Guddiga Bilicda oo ay horkacaysay Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-weris), kuwaas oo kormeer ku tagay Warshaddan oo ku taal duleedka Waqooyi ee caasimadda Hargeysa maanta, taas oo soo saarta alaab ay ka mid yihiin furshaanta iyo bacaha, waxay maamulkeeda isla garteen inay joojiyaan soo saartista noocyada bacaha ee Madaxweynuhu ka mamnuucay dalka, maadaama oo dhibaatooyin badan ay ku hayso deegaanka iyo xoolahaba.
Guddoomiyaha guud ee shirkadda SADCO Group oo warshaddani ka mid tahay, ayaa sheegay in warshaddiisa oo ka kooban tahay ilaa shan qaybood oo soo kala saara furaashyada, bacaha, moorinta alaabta iyo dib-u-farsamaynta alaabta uu diyaar u yahay joojinta samaynta bacaha.