Waxa jira aduunka xadad kala sooca wadamada deris ka ah, cidii laba wadan kala ahayd ee isku darsatay ma jiro shirci u diidaya in ay kala goostaan
Xadka Soomaliland iyo Somaaliyana dawladaha caalamiga ah oo Ingiriiska iyo Talyaanigu hogaaminayo ayaa jeexay, haddii ay leeyihiin ha la burburiyo hala burburiyo kaayaga iyo koodaba. diyaar baanu u nahay anagu ee aduunka bilaa xuduud halaga dhigo, waxa jira dalka Somaliya isku dawlad baanu ahaynoo haddana waanu kala goosanay, isku dhaqan baanu ahayn, laakiin toodii xildoon iyo garaad kooda oo qaybtii cuntaduun shaqaynaso ayay noqotay, Waxanu wada lahayn dikteetar, laakiin anagu waxanu gaadhnay dumuquraadi, Way gubanayaan, laakiin anaku amni baanu nahay, waxaanay ku heshiiyeen in aanay abid heshiin anana waxaanu ku heshiinay in aanan abid is qaban, waxanu ku heshiinay horumar , talo iyo danguud , midimo nabad iyo iskaashi ay ku dheehan tahay awood qaybsi buuxa oo beelaha dalku u siman yihiin iyo qaybaha bulshada oo dhami , iyaguna waxay ku heshiiyeen kooto xil iyo kala adkaansho ku salaysan awood !
Qaybaha aan la hadlayo, danjiraha u qaabilsan qaramada midoobay dalka la yidhaahdo koonfur Somalia iyo wasiirka Africa ee Ingiriiska iyo gudoomiyaha midowga yurub waxaan u sheegaya hadii aad baabi’isaan xadkiina ayuunbaanu anakuna xeer jajabka ilaalinaynaa, sidoo kale Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti na wax xadi nooma dhaxayn doonaan, hadii aanay shaqadiinu ahayn la jifiyaana banaan la joojiyaana banaan, waxa lagu dhaqmayaa xuduudaha la kala leeyahay waxanan u sheegaya madaxwaynaha maamul gobaleedka Puntland ha kala garto dowlad nimada iyo qabiil nimada waxaan isna sidoo kale leeyahay Xasan Shiikh Maxamud gurigaagii ba dab ka baxayaaye aduunka dabka ha kusii fidin ! bulshada Somaliland na ma ogola inay ka tagto taako ka mida xuduudaheeda , wa bilaahi towfiiq
Mujaahid : Jaamac Ismaaciil Howd { Abwan cadaawe }