Makkatul-mukarrama (Hubaal)-Ugu yaraan 87 ruux ayaa ku dhintay masaajidka xaramka ee magaalada Makka ee dalka Sacuudi Carabiya kadib markii uu soo dumay wiish ka mid ah kuwa lagu dhisayay halkaasi. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 183 qof. Axmed Aadan Dagaal (axmed Safiina) oo ah wakiilka arrimaha Xajka ee Somaliland, ayaa BBC-da u sheegay in sababta keentay in wiishka dhismuhu soo dumo lala xidhiidhinayo roobab waaweyn oo dabaylo wata. Waxa uu sheegay in Wiishka danab ku dhacay kadibna uu dadka ku soo dumay. Hasan Patel, oo telefishanka Al-jazeera uga soo warama Makka ayaa sheegay in halkaasi ay ka jirto xaalad murugo leh. Waxa uu sheegay in xukumadda Sucuudigu ku hawlan tahay gurmad degdeg ah islamarkaana aaggaasi xidhay, iyadoo sidoo kalena Cimilada roobani xaaladda uga sii dartay.
Wiishka oo abbaaro 05:30 Galabnimo soo dumay ayaa ka soo dhacay dabaqa saddexaad, halkaasi oo la sheegay in dib u dhis balaadhani ka socday.
Dhinaca kale Agaasimaha Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Xaaji Cumar-seyid Cabdillaahi Aadam oo ka mid ah xujayda reer Somaliland ee sanadkan xajka gudanaysa ayaa qoraal kooban oo uu xalay cawayskii ku daabacay barta uu Facebook-ga ku leeyahay waxa uu kaga warramay xaaladooda iyo inay wax ka soo gaadheen dhibaatadaas shalay ka dhacday xajka, waxaanu sheegay in ay xujaajtii reer Somaliland ee halkaasi ku sugnayd ay nabad qabaan waajibaadkii xajkana ay si habsami ah u gundanayaan marka laga reebo inta ogaalkooda ah wiil ka mid ah xujaajta Somaliland oo dhaawac ka soo gaadhay gacanta, halka mid kalena ay la’ yihiin “Dhammaan Asxaabta iyo ehelkaba waxaan ogaysiinaynaa inaan nabad qabno guud ahaan xujaajtii gaar ahaanna reer Somaliland” sidaa ayuu yidhi Agaasimuhu waxaanu intaa ku daray “Illaa hadda inan reer Hargeysa ah ayaa gacanta ka jabay mid kalena waa la la’yahay intayadii kale waanu fiicanahay oo dhib kale kama warqabno in kasta oo xujaajtu badnaayeen oo dadka dhintay boqol sii cagacagaynayaan, haddana intaanu war ka hayno dhib kale maanan maqal” ayuu yidhi Xaaji Cumar Seyid.