Burco-(Hubaal)-Xubno ka tirsan Golaha xukumada Siilanyo oo uu horkacayey Taliyaha ciidanka Booliiska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal iyo Xidlhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ku sugan magaalada Burco ayaa xabsiga burco ku shubay Tiro ka mid ah oday dhaqameedka beesha Cabdalla Arab.
Taliye Fadal iyo Xildhibaan Nacnac ayaa xogguhu sheegeen in shir doceedyo goos-goosa oo ay la yeesheen odayaasha beesha Cabdalle Arab uu fashilmay ka dib markay aad isagu mashquuliyeen inay Odayaasha dhacsiiyaan ama ku dirqiyaan inay aqbalaan go’aankii wasiirada xukumada Siilanyo ka soo saareen shaqaaqada ka taagan Balliga Diiriye Guuleed oo ka dhex oogan Beelaha Habar jeclo iyo cabdalla Arab.
Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Cabdalla Arab ayaa ku gacansaydhay go’aanka xukumada Siilanyo ka soo saartey shaqaaqadaa Balliga Diiriye Guuleed,islamarkaana dhinac isaga duway Fariin ka timi Qasriga Madaxtooyada oo ay walwaalayeen Taliyaha Booliiska Somaliland iyo Xildhibaan Nacnac oo ay odayaasha haybta guud wadagaan,taas ayaana dhalisay in Odayaasha Xabsiga lagu guro.