Hargeysa(Hubaal) -Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa markii u horaysay ka hadashay masuuliyiin maalmihii u dambeeyay iska casilay iyo mawqifka adag ee Mucaaradku iska taagay Doorashooyinka oo wakhtigooda dib uga dhaca.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, oo Hargeysa kula hadlay saxaafadda ayaa ka hadlay aragtida Xukumadda ee Iscasilaada Masuuliyiinta kala ahaa Wasiir Cabdicasiis Samaale iyo Abiib Diiriye Nuur “Cabdicasiis Samaale Wasiir Muhiim ah buu ahaa, Nin aanu saaxiib nahay ayuu ahaa,Waa wasiirkii Maaliyadda, wuxuu ahaa Aasaasayaashii Kulmiye, Imikana maan maqal inuu yidhi Kulmiye waan ka baxay, mana filayo inuu isaga yahay qofka yidhi Dabaakhiin baa badan. Cabdicasiis waxaanu leenahay waa Kulmiye, Kulmiye-na wuu Isqabtaa,marka dambena waa heshiiyaa”. Ayuu yidhi Mr Cukuse.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka jawaabay hadal Abiib Diiriye Nuur Sheegay markii uu xilka iska casilay oo ahaa in dad badani dalka u taliyaan “Markuu Isaga Magacaabay hadduu u yaqaanay Kuug kaliya, Marka uu maanta ka tagayna waa Kuugii kali ahaa, markaa haddii marka la magacaabayana Madaxtooyadu qurux badan tahay markuu ka tagana Cabdicasiis ay la fool xumaato…Abiib waxaanu leenahay waa Kuugii kali ahaa uun” ayuu yidhi Wasiirku.
Mawqifka Isbahaysiga Mucaaradka eek u Aadan dhisida dawlad wadaag ah 26 June kadib
Wasiirku waxa uu ka soo horjeestay Dalabka Mucaaradka Somaliland “Dalkeenan waynu joognaa oo Daqiiqad ma dawlad la’aanayo, Daqiiqad u eekaan mayno kuwaas(Somalia) aynu jaarka nahay, Illaahayna inagama yeelo, dalkeenu wuxuu leeyahay Goleyaasha qaranka ee Wakiilada,Guurtida iyo Xukumadda oo ku fadhiya Kalsoonida Shacabka” ayuu yidhi Wasiir Cukuse, isagoo intaasi raaciyay inaanay afka Mucaaradka ku wanaagsanayn Odhaahda ah ma aqoonsanayno Xukumadda kadib 26-ka June.
Mudane Cabdillaahi Cukuse, waxa uu ka hadlay Mawqifka Madasha iyo Mucaaradku isku bahaysteen “Midnimada iyo Midawga hal mar uun baan jecelahay, oo waa marka Shacabka Somaliland midoobayaan. Marka ay Mucaaradku midoobayaan oo mabaadii isku mid ah yeelanayaan oo hal magac la baxayaan, hal calan yeelanayaan, hal gudoomiyena yeelanayaana waynu sugaynaa”
Wasiirku waxa uu ka sii hadlay arrimaha doorashada, isagoo ku dooday in arrinta doorashadu u taalo Guddida doorashooyinka Somaliland, balse aanay Mucaaradka iyo Muxaafadka toona xaq u lahayn inay ka go’aan gaadhaan qabsoomida doorashada.
Hadalka Wasiirka ayaa imanaya iyadoo Shalay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Xisbiga Ucid iyo Madasha wadatashigu Hargeysa kaga dhawaaqayn Isbahaysi, iyagoo mawqif isku mid ah ka qaatay Dib u dhaca doorashada, iyagoo sheegay inaanay aqoonsan doonin Xukumadda haddii doorashadu wakhtigeeda ku dhici waydo.
source:ramaas