Xukun Ka Garnaqay Xuquuqda Lahaanshiyaha [Copy right] Magaca Oo Markii U Horeysay Ay Maxakamadda Gobolka Hargeysi Ku Kala Saartay Laba Dhinac

0
34

Gudaha Ka Akhri: Xukun Xambaarsan Shan Qoddobo Oo ay Makamaddu Kaga Gar-naqday Muran Ka Taagnaa Magac Warbaahinneed

galool magazine

Hargeysa (Hubaal)- Maxkamadd a Gobolka Maroodijeex ayaa taariikhda markii  u horreysay ka gar-naqday  muran ka dhashay Magac Warbahineed oo muddo kiiskooda ay maxakamaddu gacanta ku haysay.  Xukun ka soo baxay shalay maxakamada gobolka Maroodijeex oo uu ku saxeexan yahay  Garsoose Xasan Cali Ibraahim waxaa lagu sheegay asbaabta xukun ee ay maxakamaddu  u cuskatay dacwadda ay ka garnaqaysay ee ku saabsanaa lahaanshiyaha magaca GALOOL Oo ay ku muran sanaayeen  Maxamed Cabdi Cabdillaahi oo isagu  dacwoode u ahaa Majallad xeer ilaalinta qaranka kaga diiwaangashan magaca Galool Magazine  iyo dacweysane Yaasiin Jaamac Axmed (Calase) oo isna masuul ka ah mareeg warbaahineed [website] dhawaan hawada soo gashay oo magaceedu yahay Galoolmedia.  Xukunka ay maxakamaddu soo saartay oo laba bog ka koobnaa ayaa Ka dib markii   Dhagaysatay Doodaha labada dhinac waxay  maxakamaddu u xukuntay Galool Magazine, iyadoo Mareegta Galoolmedia ku amartay in ay muddo Todobooad ah kaga guurto Magacan.  Waxaana go’aankaas oo tixraaciisu ahaa MGH/DML/86/016, kuna taariikhaysnaa Axad, 5ta June, 2016 uu  u dhignaa sidan:  “Maxakamadda Gobolka Maroodi-jeex,

  • Markay Aragtay: Galdacwadeedka summadiisu sare ku xusan tahay ee ka dhaxaysa dhinacyada sare ku xusan.
  • Markay Aragtay: Arjiga dacwadda furashada ee uu furtay dacwooduhu, kuna taariikhaysan 02/04/2016, ujeedadiisuna tahay dacwad ku saabsan isticmaalka magaca Galool Website.
  • Markay Aragtay: Jawaab celinta dacweysanaha oo ku taariikhaysan 12/04/2016, nuxurkeeduna yahay in labada magac kala shaqo yihiin, oo mid yahay Majallad [Magazine] midna yahay Website.
  • Markay aragtay: Xaashida liisanka ee uu xafiiska xeerilaaliyaha guud ee JSL u diiwaangeliyey in dacwooduhu leeyahay Galool Magazine.
  • Markay aragtay: Warqadda uu dacweysanuhu ku iibsaday Galool Website oo ku taariikhaysan 10/02/2016.
  • Markay dhegeysatay: dodo afeedka labada dhinac sida ku qoran gar maqalka
  • Markay aragtay: gebogabada dacwadda ee labada dhinac u soo gudbiyeen maxakamadda gobolka Maroodijeex.

Markay Aragtay: Dhammaan asbaabaha sare ku xusan dartood iyo qoddobada 77,78/79,68,62,88,133,134 XHM waxa ay Maxakamaddu soo saartay Xukunkan:

Jamhuuriyadda Somaliland

Magaca Umadda Somaliland

Maxakamadda Gobolka Maroodi-jeex

Xukunka Maxakamadda

  1. Maxakamaddu Waxa ay ogolaatay arjiga dacwadda furashada ee ku taariikhaysan 02/04/2016 ee uu dacwooduhu soo qortay.
  2. Maxakamaddu Waxa ay diiday arjiga jawaab celinta ee ku taariikhaysan 24/04/2016 ee uu dacweysanuhu u soo gudbiyey maxakamadda
  3. Maxakamaddu waxaa ay ku xukuntay dacweysanaha in uu bedello magaca Websiteka ama uu raaciyo magac labaad, haddii kale ay maxakamaddu ka xidhi doonto amarna ku siindoonto shirkadaha isgaadhsiinta. Maxakamaddu waxa ay amraysaa in dacweysanuhu ku bedello magaca websitekiisa muddo toddoba cisho gudahood ah.
  4. Kharashka dacwadda waxa ay maxakamaddu saartay dhinaca dacweysanaha.
  5. Xukunkan waxaa uu soo baxay maanta [dorraad] 05/06/2016.”

Wa Billaahi Tawfiiq”.

Ayaa lagu yidhi xukunkan kasoo baxay maxakamadda gobolka Maroodijeex, kaasi oo uu ku saxeexan yahay  Garsooraha Maxakamadda Gobolka Maroodijeex Xasan Cali Ibraahin, oo uu weheliyo kaalliyaha Maxakamadda Gobolku Maxamed M. Ibraahin. Xukunkan ayaa noqonaya midkii u horreyey ee ay Maxakamadda gobolka Hargeysi ka soo saarto dacwad la xidhiidha xuquuqda lahaanshiyaha ama waxa loo yaqaanno Copy-right-ka kaasi oo ay dadweynuhu aanay iska xil saarin maamuuskiisa, iyada oo marar kala duwan la maqlo ama ay dhacdo in la isku qabqabsado adeegsiga magacyada ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo kuwa kale ee la midka ahi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here