Caira:(Hubaal)-Maxkamadda sare ee dalka Masar ayaa go’aamisay in la joojiyo xukunkii dilka ahaa ee kal hore Maxkamad ku riday Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Morsi.
Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Morsi ayaa sanadkii hore lagu riday xukun dil ah kadb markii lagu eedeeyay in uu xabsi ka baxsaday sanadkii 2011-kii sidoo kale uu galay dambiyo kale.
Maxkamada sare ee dalka Masar ayaa amar ku bixisay in la joojiyo xukunkii hore ee dilka ahaa ee lagu riday Madaxweynihii hore ee Masar, waxa ayna Maxkamada amaray in mar kale dawcawad la qaado.
Maxamed Morsi ayaa ahaa Madaxweynihii hore ee sida sharciga ahaa loo doortay balse dowladiisa afgambisay milatariga uu hogaaminayay Madaxweynaha Masar Cabdul Casiis Al Siisii, waxa uuna Mursi kamid ahaa Kooxda Ikhwaanul Muslimiin