XUKUUMAD AY SHIDHKA UGU JIRAAN SHEERLEY, SHIRKADLEY IYO WASIIRO QARANIMADA UYAQAANA IN QURBAAN,QADHIIDH, QUSUM IYO QOON WAX LAGU QEYBSADO. QALINKII A/RAHMAN FIDHINLE‏

0
46

fidhinleWaxaa dastuurka Somaliland uu muwaadinkasta oo Somalilander ah uu u-damaanad qaadayaa oo uu xaq-usiinayaa in uu aragtida fikirkiisa, dhiibashada rayigiisa, cabirista maskaxdiisa, hilaadinta indheer garadnimadiisa, abaabulka dhigiisa, sheegista iyo meelmarinta taladiisa, eedeeynta iyo toosinta xukuumadiisa uu intaaba uu xor uyahay , xaqna uleeyahay isaga oo dhawraaya oo aan ku talax tegeyn ee ilaalinaaya nabadgelyada ay JSL maanta ku fadhido,milgaha, karaamada iyo xuquuqda muwaadin kasta  uu siiyey dastuurka qaranku,  Waa hadii aynu run sheeg nahay oo ay  inaga dhab tahay in aynu dhab-dhabano oo kab-kabano oo dhirin-dhirino oo miiqno oo tol-tolano oo toos toosino  Dimuquraadigeena curdinka ah ee silan  ee sidkan, ee solmay ee saqiirey  ee socodkii baranwaayey ee sii ragaadaaya ee ra-ranka maanta ay saartey xukuumadii loo doortey ee loo dirtey.

Wadan wuxuu taabo galaa oo uu horumar ku talaabsadaa  marka uu helo madax daacad ah oo samo talis ah oo utudha oo aan ka shaqeysan ee ummadda ushaqeeya iyaga oo raacaaya dastuurka iyo xeerarka markaa wadanka uyaala. Nasiibdaro may noqon xukuumada  Siilaanyo  xukuumad daacad ah oo la mahadiyo, waxaana  ay xukuumadii noqotey xukuumad aan ufoogneyn oo aan utafo xaadneyn horumarkii iyo waxqabadkii wadanka, waa xukuumad aqoonteeda leh laakiin hagratey oo aan sameyn siyaasad cad, nidaamyo  (policy) lagula dagaalamo dan yaranimada,sicir bararka iyo baahiyaha dhaqan dhaqaaleh ee ku habsadey dan yarta iyo   da’yarta reer S/land.  Waa Xukuumad aan laheyn (Trade Policy) oo aan  dhiiri gelin wax soo saarka dalka iyo kor uqaadista wax soo saarka wadanka. maadaama ay xukuumada ay gundhada ugu jiraan Tujaar, sheerley iyo shirkadley  aan jecleyn in wax la soo saaro oo  iyagu had iyo jeer jecel in ay dhiiga shacabka ay jaqaan oo ay dha-dhamo kasta dheecaan  siis taan oo ay uus miirtaan danyarta iyaga oo ka iibinaaya soor iyo saad ribeysan oo aan bireysneyn. ma maqli jirteen ” Heedhe dhanna inooma fayooba” Waa Xukuumad aan laheyn xeerarkii iyo sharciyadii lagu kantaroolaayey dhaqaalahii wadanka. Maadaama ay dalqada  ugu jiraan kuwo aan jecleyn  in laga maarmo iyaga oo wadanku lugaha isku taago.Waa Xukuumad aan Mudnaanta kowaad siinin arimaha bulshada gaar ahaan Raashinka ,biyaha iyo Caafimaadka oo ay ku xidhan yihiin nolosha aas aasiga ah ee ibnu-aadamku  waxaana ay maanta biyo la’aantu ugu darantahay caasimada Hargeysa.oo hore loogu bixiyey Malaayiin Dollar waana arin la musuq-maasuqay, la siyaasadeeyey oo la hagradey laakiinse wax badan laga qaban karaayey mudo hore.

Waa Xukuumad iska indho iyo dhegaba  tirta xogta iyo xaqiiqda maanta wadanka ka jirta, taas oo noqotey xukuumad loo hanweynaa laakiin lagu hungoobey maanta markii la arkey wadankii oo xuduudihii ku soo xidhmeen oo ( cage ) ku jira halka kuwii hawshaa loo xilsaarey ay  ku foogan yihiin habaqleysi, hiil, hororsi, halaanhal,dhaqaale urursi, maalin riyood iyo nifaaqo joogto ah. Dhalinyaradii S/land waxay maanta weydey oo ay dey deyayaan oo ay baadi goobayaan oo ay  la tiiraanyeysan yihiin cidii ama shaqsiyaadkii tilmaami lahaa ee ay raadkooda raaci lahaayeen ee ay ku dayan lahayeen  ee tubta toosan ku hagi lahaa ( role model) Dhaliyarada S/land ee dhawaan Jaamacadaha iyo dugsiyada sar-sare ee dalka ka soo qalin-jebisey waxay isku raaceen  in ay meesha ka bacdey oo si xun loo hagradey waxyaabihii ummaddu mudnaanta isku siin jirtey sida aqoonta sare, cilmiga, waxbarashada iyo waayo aragnimada taa soo maanta Somaliland xaalkiiba uu noqdey markaad shaqo doonato Kumaad aheyd iyo Yaa ku soo-direy ?  Qabyaaladan in dholaaanta iyo dhego-la’aanta ahi waxay  dhalinyaradii  dhaxalsiisey nitaakho iyo niyad jab baahsan iyo balwad iyo Tahriib ismiidaabin ah in ay miciinsadaan. Xukuumada siilaanyo waxay khiyaameysey xisbigeedii, aqoontii, cilmigii, wadoodyinkii,caqligii iyo xoogii fayoobaa ee hal-doorkii wadanka oo ahaa dhalinyaradii oo iyagu  ahaa madaxdii berito wadanka hogaamin  lahaa.

Alleh ayaa Mahad leh,

Wa-laahum-Aclum .Wa-bilaahi -Towfiiq.

Qalinkii A/Rahman Fidhinle

Intensive ED PA

United Kingdom

London

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here