Xukuumada OO Mar Labaad Xabsiga U Taxaabtay Yuusuf Cabdi Gaboobe

0
23

Hargisa (Hubaal):-Xukuumada somaliland ayaa mar labaad xabsiga u taxaabatay gudoomiyaha wargeeskii hatuf yusuf cabdi gaboobe  ila hada lama oga sababta  rasamiga ah ee ka danbaysay in mar labaad xabsiga loo taxaabay

yusuf gaboobe

Balse sida la noogu soo waramayo ayaa sheegaya in markii la xidhay uu ku sugnaa maxkamada  degmada haragaysa halkaasi oo ay dacwad ugu socotay ka dib markii uu  la kulmay qareenadii difaacayay.

Guddoomiyaha wargeyska Haatuf iyo tafaftirahiisa Axmed ayaa bishan horaanteedii ay maxkamada gobolku damiin ku sii daysay, iyada oo markale dacwadooda dib loogu dhigay.

masuulkan ayaa ka cabanaayay garsoorka dacwadooda ka haya, isla markaana waxa uu duruy garsoorka oo sheegay in aanu maxkamadda hor iman doonin ilaa garsooraha dacwadooda haya laga badalaayo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here