Xukuumada Siilaayno oo Ku Hawlan Masaajid Ilaa Madxaf Boobka, Iibinta, Faasaxaada iyo Kala Meelaynta Hambadii u Danbaysey ee Hantida Maguurtada ah ee Dadweynaha

0
56

  Hargeisa-(Hubaal):- Xaaladda Xaalufinta    Boobka  iyo Biliqaysiga Hantida Maguurtada ah  ee Lawada Leeyay  ee Kuteedsan min Gobol ilaa Tuulo Guud ahaanba Somaliland ayaa Maraysa Meel Galbasho ah waxana   Hada  ay Gaadhay in   kala IIbsado Masaajiyada   Lagu Cibaadaysto  iyo Madxafyada   Ardaydu Wax Barashada Karaacato.
Maqaalkan oo ah Mid Xogaal Biyo Kama DHibcaan ah oo  kasoo Dhexbay Baadhitaan iyo Xogwaraysi Qoro Dheer ay  Warqabadka  Somalilandlive.com   Mudooyinkuu Danbe  ugu Kuurgalaysay Boobka aan loomeedayin ee  Hantidii ay Umadu Wadalahayd Lagu Dhacayo, Waxa Xograadintani Daaha Kafaydaysaa Xaalad Ba,an oo aan Marnaba Idhaha Laga Qarsan Karin oo Lagu  Hayo  Hantidii ay Umadu Wadalahayd.

Waxa ay  ahayd Dhawaan Markii Maayirka Caasimada Hargaysa Mr Solteco Kudhawaaqay in ay Magaalada Hargaysa Kawaayeen Dhulabaan oo ay Danguud   u adeegsadaan, Wakhtiga uu Hadalkani Kudhawaaqayay Maayirku Waxa ay Xukuumada Siilaayno Dalka Xukumaysay 4-Sanno oo Buuxda, Sida Kucad Liiskii   Dukumentigii ay Dawlada Hoose  ee Hargeisi Lawareegay  2 Sanno kahor, Waxa uu Maayirkii hore ee  Golaha  deegaanka Hargeisa Mr Jiciir uu Kuwareejiyay   Maayirkan  iyo Golihiisa ee Maant Xilka  haya Dhulbanaan oo Kabadan  1200 Baloodh Kuwaas oo kula Teedsan Daamaha Magaalada Hargeisa. Laba Sanno Gudahood Waxa uu Maayir Solteco Kudhawaaqay in aanay Haysan Dhulbanaan oo Kufilan.

Halkay Mareen 12000 ee Balood?.
Waxa Magaalada Hargeisa  oo Kamid hayd Tobankii Sanno ee Lasoo Dhaafay Maagaalooyinka Somaliland ee aan Dhulkeeda La Goyn Karin, Waxa Qiimo Jab kuyimi Dhulkii Banaanaa, Sabab oo ah Waxa ay Dawlada Hoose Dhulkii  Danta Guud Loohayay  u Qaybisay Dad Gaar ah kuwaas oo Dhaqaale Kasamaynayay Kaganacsiga  Dhulka   Iyaga oo Markii Danbe Sababay  Qiimaha Dhulka    Lakala Siisto  oo Hoos Udhacay.
Maayir Solteco Waxa uu Qaybinta  Dhulka Kutaxay  Qurbojooga  Badan oo   uu Qaraabo Kiilnimo Uga Buuxiyay  iyo Daljoog  Sitay Waraaqo  Shaanbadaysan oo Laga Sooqoray Madaxtooyda kuwaas oo Maayirka Ku Qasbayay in uu Dhulbanaan Siiyo Halka Kuwona Guryo Dhisan Lagu Wareejiyay.

Marka Lagatago Dhulkii Banaan ee Danta Guud ee Caasimada Somaliland Waxa iyana Galbaday oo Gacan Galay Dhisamayaashii ay Dawladu lahayd iyada oo Badankoodi Laxaraashay Halka Qaarna Dad Gaara loosiiyay Gacanmaris .

Goobaha ugu Caansan ee ay Xukuumadu Xaraashtay Waxa Kamida  Theater-ka oo Madax Dhaqameed Madaxtooyada Laga Quudiyo  Lasiiyay kuwaas oo  u Dhago Nugul Guulwadayn Siilaayno  Loonasiiyay Abaal Marin theater-ka.  Waxa Sigaara Loofaasaxay Hotelkii ugu Weynaa ee ay Dawladu Lahayd – -Hargeisa- Clup  Waxa Lafaasaxay Guryihii Hinyo laynka ee Qadiimiga  Ahaa oo aan Maanta Hal Guri Kajoogin.  Waxa La,iibiyay Dhismihii Xusbiga  Waxana Lafaasaxay Goobkasta oo ay Isha  kuwa Dhaqaale Doonka  ah Qabatay.  Waxana Hada Lagaadhay in La iibiyo  Madxafayada    Cilmiga Laga Raacdo    oo uu ugu Danbeeyay  Lebrary Gaandi.
Waxana Lagaadhay  heer   ay Xukuumada Siilaayno Waddo in ay  IIbiso  Masjidka Weyn ee Mustajaamaca Hargeisa oo ay Hada Wado Qorshe  ay Kula Heshiinayso Culumada  Ehlu Suna Waljamaaca oo iyagu Masjidkaa Maamula, Kuwaas oo Sida ay Xogo Wareedyo  Looga Qaateena ay Kuheshay Somalilandlive.com lagu Qanciyay in Masjid Cusub Looga Dhiso Goob Kabaxsan Magaalada.

Boobka Arxandarada  ahi Waxa uu Gaadhay Heer Loowaayo Haayadaha  Qaranka Meelo Banaan oo Ladejiyo Waxa Dhawaan    Ciidamada Qaranka ee Gaadhka Kahaya Madaarka Hargeisa ay  Kacawdeen in aanay Haysan Dhul  iyo Xeryo ay Degaan  waxana ay Badalkeeda Lawareegeen Dhul Beer ah oo  Dad SHacabi Leeyiin  Kadib Markii  Wasiirka Duulista Hawada  iyo Maayirka Hargeisa ay iibiyeen Dhulkii Kuxeernaa Madaarka  ee ay Ciidamadu  Degenaan Jireen..

Xaalada Dhubooka  iyo Xaalufinta  Hantida   Maguuraanka ahayd ee  Dadweynaha  ayaa Maraysa Meel Baaba  ah  oo aan Waxaba Laga Soo Gaadhaynin.  Waana Calaamad Xun oo Xukuumada Siilaanyo Dusha Kagataala  Iyada oo Hore ugu  Eedayn Jirtay Xukuumadii Kahoraysal Dhulboob.  Lasoco Qaybaha Danbe   oo Sawiro Wata-

Faallo: Somalilandlive.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here