Hareysa(hubaal)Dawlada Somaliland Ayaa Dalka Dariska Ee Jabouti u Gacan Galisay Saddex qof oo Lala Xidhiidhiyay Qarixii Dalkaasi Ka dhacay ee ay fuliyeen Kooxdii Labada ahayd Ee Al shabaabka tirsanayd oo Ka talaabay Xuduudka Somaliland.
Saddexdan Qof ayaa Shalay laga Duuliyay madaarka Caasimada Hargaysa iyadoo Lagu Wareejiyay Wasaarada Amniga Dalka Jabouti kuwaasi oo Madaarka Hargaysa ku yimid Diyaar.
Labada xukuumadood waxay hawshan u fuliyiin si Qarsoodi Ah ,iyadoo hore Labada xukuumadood u sheegeen inay Iska kaashan doonan baadhitaanka Lagu waddo Falkaasi.
Dadka Lagu Wareejiyaya Saraakiisha Amniga Jabouti ayaa Laga qabtya magaalada Hargaysa Waxa ku jira Lacag Hayihii Xawaalada JUBBA EXPRESS Xafiiska Hargaysa,oo Hore u Qabteen Ciidamada Ka hortaga Argagixisada RRU-du.
Saddexda qof ayaa markii diyaarada la saarayey ku shaqlanaa dharka qafilan ee madaxa loo galiyo dadka loo qabto arrimaha Argagixisnimada, waxana adkayd in la aqoonsado wajiyadooda,labada qof ee kale.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu Jiro Ruux Afraynayay Dadka Lagu Wareejiyay ,iyadoo La sheegay inuu Xubin Mihiima ka yahay Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye