Hargeysa (Hubaal)-Gudidii Madaxweynaha Somaliland u xilsaaray sidii loo dhamaystiri lahaa murankii mudada badan ka taagnaa mashruuca deeqda Biyo balaadhinta hargeysa ee Dawlada Emaaraatka Carabtu ugu deeqday Somaliland ayaa gudidu sirasmi ah oo aanay ku kala leexan usoo saareen qoraal ay ku wada saxeexan yihiin kasoo meesha ka saaraya Caqabadihii ma dhalayska ahaa ee mudada badan mashruucani u xayirnaa.
Go’aankan birta lagaga hor qaaday mashruuca Xumboweyne ayaa kadib kolkii Gudidii Madaxweynuhu u saaray ay isla qaateen waxay u gudbiyeeen Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’, halkaaso Madaxweynaha hortiisa ay mid mid ugu saxeexeen go’aankoodi ay soo saareen gudidaasi oo ka koobnaa ku dhawaad Sideed Wasiir iyo dhawr Xildhibaan iyo weliba farsamo yaqaano dhinaca biyaha ah.
Intaa kadib waxaay Xukuumadu ku wargelisay Hay’addii Dawlada Emaaraatka Carabtu ay u xilsaaratay Fulinta iyo Hirgelinta mashruucaasi inay si rasmi ah u bilaabaan una dhamaystiraan mashruucan oo xukuumad iyo shacabba ugu fadhiya qiimo weyn sidoo kalena shacabka Hargeysa ay siinayaan ahmiyad aad u culus taasoo ah hamiga ay u hayaan sidii ay harraadka uga bixi lahaayeen.
Dr C/raxmaan Cali Ducaale “Dr Juudi” oo ah wakiilka dawlada Emaaraatka Carabta u qaabilsan mashaariic dhawr ah oo Imaaraatku ka wado wadamada Muritaaniya, South Sudan, Ghana, Niger iyo Somaliland oo aanu wax ka weydiinay sida ay u arkaan maadama la fasaxay mashruucii biyaha Xumboweyne iyo weliba halka ay wax ka bilaabayaan ayaa waxa uu si qoto dheer oo Cilmiyan ah uga warbixiyey Mashruuca Biyaha Balaadhin Hargeysa ee Xumboweyne waxaanu yidhi:-
“Waa Mahad illaahay, waana wax aanu Sugaynay, run ahaantiina dunida wax kastaaba is fahan ayey ku dhamaadaan hadii la wada hadlo oo wax walba laysla eego, inta badana Khilaafka iyo Muranka waxaa iska leh hawsha baaxadeeda ka C/raxmaan ahaanna waxaan u arkaa Culayska shaqada iyo Caqabadaha ka hor yimaadaaba waxay leeyihiin meel ay ka bilaabmeen iyo meel ay ku dhamaadaan, Dawlada Somalilandna kolay iyaga ayaa Culayska ugu weyn ee helitaanka Biyuhu saaran yahay Xal u helida khilaafkuna waa sababta Madaxweynuhu Gudi Heer Qaran ah ugu saaray waana uga Mahad Celinayaa.”
Dr Juudi isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Somaliland waxay ka mid tahay dalal dhawr ah oo Emaaraatku mashaariic dhinaca Biyaha u badan ka wado mashruucana sidii aanu u hirgelin lahayd waxaanu ku bixinay wakhti iyo Tacab faro badan kaasoo aanu mar kasta meesha kaga saaraynay wax kasta oo ka hor iman kara farsmo ahaan Biyaha anagoo u eegayna, Mustaqbalka dhow iyo ka Fog labadaba waana sababta aanu u Samaynay sahamin balaadhan khuburo Caalami ah iyo Dawladda emaaratku wada sameeeyeen ku talogalka mashruucanina waa in aanu Biyaha Gaadhsiino dhamaanba bariga iyo Koonfurta Hargeysa oo ay kamid yihiin Xaafadaha iyo degmooyinka Sheekh Mubaarig, Daami, Laba Nuux, Cabbaaye, Sheekh Madar, New Hargeysa, Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Masalaha, October, iwm kuwaasoo iyaguna biyaha sii siin doona inta nawaaxigooda ah.”
Waxaa kaloo Dr C/raxmaan Suldaan Cali intaasi ku daray in Qalabkii Taangiyada Biyuhu ay soo gaadheen Dekeda magaalada berbera isla markaana iminka loo soo rari doono Hargeysa, Isagoo sheegay in ay durba bilaabeen dhismaha qaar kamid ah fadhiisimadii goobaha Taangiyada la saari doono oo ay hawshoodi socoto sidoo kale waxa uu xusay isla markaana Xukuumada Somaliland si weyn ugaga mahad celiyey sida ay usoo dhaweeyeen dhismayaasha Laba Cisbitaal oo heer Caalami ah kuwaasoo midkood berbera kasocda midka kalena sida ugu dhakhsaha badan Burco looga bilaabi doono.
Dhinaca kale waxaa Dr C/raxmaan tilmaamay Sida Falaax Al-Axbaabi oo ahaa masuulkii sababta u ahaa Cilaaqaadka Dawladaha Emaaraatka Carabta iyo Somaliland oo dedaal xoogan geliyey sidii Dawlada Emaaraatka Carabtu ay bulshada reer Somaliland uga taageeri lahayd dhinacyada Biyaha iyo Caafimaadka waxaanu Xusay inaan mashaariicda dawladda Imaaraatku ka waddo Somaliland in aanay ku koobnayn mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa.
Dr Cabdiraxmaan oo ka hadlaya mashaariicda kale ee ay dalka ka fuliyeen iyo kuwa qorshaha ugu jira ayaa yidhi.
“Waxaa mahad illaahay ah inaanu magaalada burco ka hirgelinay Toban Ceel oo shaqaynaya qaarkoodna ay kayd u yihiin bulshada, sidoo kale magaalada Gebiley iyo nawaaxigeeda oo ahaa meelaha ugu baahida badnaa xaga biyaha oo iyana aanu ka hirgelinay laba Ceel oo midi khaas u yahay Gebiley iyo Nawaaxigeeda kuwaaso noqday biyaha ugu macaan iyagoo hore uga biyaha uga heli jirey Ceel aad wax soosaarkiisu u yaraa isla markaasina tayada biyihiisu ay ahaayeen kuwo milixdu ku badan tahay”
Waxaanu intaa ku daray digtoorku isagoo hadaliisa sii wata.
“Dhinaca Caafimaadkana oo baahida ugu darani ay ahayd mashiinada kaliyaha safeeya kuwaaso Dawlada Emaaraatku ugu Deeqday bulshada Somaliland khaasatan uu ugu deeqay H.H. Sheekh Xamdan Binu Zayed Alanahyan Alle haka abaal mariyee, halka wakaalada korontada magaalada hargeysana aanu gaadhsiinay Mashiin laydh oo awoodiisa gaadhayso 17050WT, halka buu yidhi Dawlada Emaaraatku Cisbitaalka Gebiley dib u dhiskiisi ugu horeeyey inuu Sheikh Hamdan ugu deeqay $200,000 iyo $150,000 oo uu ugu deeqay dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Argagixiso ee Hargeysa ka dhacay deeqdaasi oo laba saac kadib markii qaraxyadu dhaceen uu usoo diray si loogu daad-gureeyo dhaawacyadii aan wadanka gudihiisa waxba lagaga qaban karayn, intaa waxaa dheer sahamintii biyaha ee sida guud Emaaraaku uga sameeyey Somaliland taasi oo ah mida markastaba noo sahasha meelaha aanu biyaha kasoo saarayno.”
Ugu Dambayntiina Dr C/raxmaan Juudi waxaa uu si weyn ugu mahad naqay Wasaarada Biyaha iyo Khayraadka Somaliland iyo Farsamo yaqaanadeeda iyo weliba wakaalada biyaha Hargeysa. Sikastaba ha ahaatee waxaa Xusid mudan in mashruuca biyaha Xumboweyne ee Dawlada emaaraatku ay maalgelinayso oo ah kolka loo eego kaydka biyaha xad dhaafka ah ee Rabiweyne ku galaday Xumboweyne midka keliya ee bulshoweynta Caasimadu ay kaga bixi doonaan Haraadkii iyo Biyo La’aantii mudada badan ay la il-daraayeen.