Qalinkii: Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen
Sida uu sharcigu tilaamayo Madaxweyne kasta ama gole sharci oo Soomaalilaan leedahay, waxa muddo xileed keedu ku sargo’anyahay shan sano, wixii intaa ka badani waa xeer jajab la caadaystay, waana isha ugu wayn ee balan xumadu ka soo burqato.
Al-Xaaji Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo waxa Madaxtinimada loo doortay 26 june 2010, wakhtigan aynu ku sugannahay waa 18 january 2015, markaynu nidhaah Xaajiga tallow maxaa u hadhay waxa soo baxaysa 158 tirsi, iyadana waxa cad in bisha march muddo laysku hayo laba sano mise sanad iyo badh balan xumo ah in loogu jiidi doono, markaan leeyahay balan xumo, ha boodin hadda ee la soco Xaajiga laftiisa wuxuu inoo sheegay hal maalin inuuna muddo xileed kiisa koradhsanayn, inaga oo intaa og, aynu yar taataabano waxaynu ka dheefnay intaynu jaal ka ahayn Xukuumadda Xaajiga.
Xukuumaddii ugu horaysay ee Xaajigu soo dhiso waxay ahayd mid aan ku salaysnayn wax wada lahaanshaha Soomaalilaan, waxay ahayd mid u raran inta dhexe lana yaraystay inta darafyada, taasi waxay keensatay mudaharaaddo dhimasho iyo dhaawac keenay in la gu salaamo odeyga
Xaaji Axmed waxa uu noqday Madaxweynihii ugu horeeyey diidmo loo qabo darteed kabo lagu salaamay, taas oo muujinaysa xukuumaddiisu inay noqotay mid ayna bulshadu baxnaanin
Waxa la gu xusuustaa in silsilad gabayo ah la gu faruuray iyada oo lix bilood jirta, Siilaanyaa gobyoo yidhi……………………………..
Xaaji Axmed iyo Xaaji Cabdiraxmaan, waxay ku soo kordhiyeen taariikh horteed dalkan lagu arag, waa Madaxweyne iyo Ku xigeen kiisii oo madaxa marwalba iskula jira, taas oo ceeb siyaasadeed ku ahayd dalkan, Madaxyaruhu hadda la soco wuxuu ka cawday in awooddiisii rag Wasiiro ahi tunka u riteen, haa xattaa mijobaxsigii xadhig ka jarka ayaa laga wareejiyey oo Madaxweynaha lagu weerijiyey, subxaan dee waa iska fadhi uun roomatiisan aad qaatide…..
Waxa lagu xasuusan karaa Xukuumaddii ugu horaysay ee awoodaha Madaweynaha ku tagri fasha, (in loogu yeedho xerta madaxtooyada, ayaa dhankay doonaan ula kaca awooddii dastuuriga ahayd ee Madaxweynaha) iyada oo bulsho badani ku wareertay yaa midida daab keeda haya.
Waxa la gu xasuusan doonaa Xaaji Axmed oo fadhiya inuu Wasiir kiisa Madaxtooyadu ka dul baanay (Anigoon dakanadayda maqan doonan kari waayin: Wax badan baan dul qaatee haddii la iga dayn waayay: Sida malabka doocaan haddii la ii dudubinaayo: Doc aan uga wareegaba ficilo waan isku dayayaaye)
Waxa la gu xasuusan doonaa cabudhinta saxaafadda iyadoo xukuumaddani tahay maalin qudha inay xabsiga u taxaabtay kontan wariye in kabadan, waxaynu ognahay in laba jariiradood muddo sanaddo ah u xidhan yihiin, waxaynu ognahay inta xarun warbaahineed ah ee hadidaadda joogtada ah la gu hayo.
Waxaynu kaga sheegaysan inay ahayd xukuumaddii ugu horaysay ee dad u xidhdhay maqaallo ay ku cabireen fikir kooda, inbadanna ay u hanjabeen, waxana ka mid ah qoraha qormadan yar waa Xuseen e
Waxaynu ku xasuusan doonnaa Dagaal kii Kalshaale iyo Buuhoodle, waxay ahayd dhacdo waji xun u yeeshay ciidan kii Qaran ka ee mid neceb iyo mid jeceli ba qiimayn jireen, una arki jireen ciidan asluub iyo wanaag leh, se iminka waxa loo arkay ciidan qabiil, wajigaas na waxa u yeelay xukuumadda Xaaji Axmed.
Waxaynu ku xasuusan, xukuumaddii loogu mudaharaad ka badnaa, waxa taa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac aan hortood la arag.
Waxa lagu xasuusan, Xaaji Axmed oo la ga horjoogsado inuu bulshada uga jawaabo waydiimaad ka ay qabaan, taas oo ceeb ku ah xaajiga iyo Qaran kaba.
Taariikhda markii ugu horaysay ee la arko Madaxweyne cajalado soo duubaya, cajaladdaas oo marka dambana loo qaybiyo saxaafadda, waxana la gu wareeraa xaaladda Xaajiga ku khasabtay inuu sidan sameeyo.
Xukuumaddii ugu horaysay ee wada hadalo la furta xukuumadda Muqdisho, iyada oo arrimo siyaasi ah la ga dheefin se aynu ognahay in dhaqaale badan loo galay laguna helo.
Waxa lagu xasuusan, kala furfurnaansho bulsho, qabyaalad, umaddii oo kala tallan/Kala shakisan, waddooyin reero iskood u samaystaan, taasi oo daciifinaysa dowladnimada, barri iyo galbeed oo ciidamo hubaysani ka samaysmaan, Madaxweynayaal maamul oo dalka laga sameeyey, waa taariikh cusub laguna xusuusan doono Xaajiga.
Waxaynu ku ognahay, mashaariicda in la gu bixiyo qabiil, shakhsi jacayl, iyada oo mashaariicdii ku soo urureen gacmo kooban oo wasiiradu gadhwadeen ka yihiin, alle ha sahlo xattaa macal qabad kii ayaa naasnuujin qabiil lagu bixinayaa.
Cabashada gobal ka Awdal qabo, in dhanna u dhaqaajin wayday, waxay ka mid tahay guul darada lagu xasuusan doono, waxaynu kaloo ognahay dhibka iyo Caqabadda ka dhalatay in la dow bixin waayo wax garadkii Reer Awdal.
Waxa lagu xasuusan, Madaxweyne xarun gobal habeen ka guureeya, haddana seexda magaalo xadeed, taasi oo amniga madaxweynaha u fiicnayn in magaalo xuduudeen uu seexdo, waxa iyana ku lifaaqnayd in jidkii ay marayeen garan waayaan, waana midda ka dhacday faraweyne, intay ku soo noqdeen bulshada waydiiyeen halka loo maro wadada baligubadle.
Safaradda dalka Gudihiisa, waxa iyagana lagu xasuusan in mijo baxsi wax ka wayn ayna ahayn iyo kaalay I arkaay inaan socdo, waa safaro bilaa qorshe ah, in badan oo bulshada ka mid ahina u arkayaan in koox Wasiiro ahi odeyga jarka ka ridayaan.
Waxa la gu xasuusan, Xaajiga markay wasiir kiisa maaliyaddu difaacayo in Quraan ka uu dulsaaro, inuu ku masalo tilmaamihii Anbiyadu lahayd (CSW), in mucaarid ka Xaajiga hadalada ku soo tuurtuura ku tilmaamo inay la mid yihiin qolooyin kii dhibayey Nabi Muxammed (CSW) dhacdadii daa’if.
Waxa la gu xasuusan, Madaxweynihii ugu horeeyey ee shir jaraa’id kula hadla Wasiiradiisa, taas oo ceeb Qaran ahayd, waxa ku Kalifay in hadal u mariyo laba shaqaalihiisa ka mid ah saxaafadda.
Waxa la gu xasuusan, xukuumaddii ugu horaysay ee Wasiiro ka taajiraan, iyada oo la garan waayo lacagta xadigaa kaa leh halka laga keeno iyo sida ay ugu tasarufayaan, waxana la yidhaah xukuumad ka musuq badani dalka may soo marin.
Waxa la gu xasuusan, Xukuumad dagaal kula jirta xisbigii dhalay, hujuum joogto ah oo la gu hayo hoggaan ka xisbiga, in xisbigu daciifay, in dad badani ka shaki qabaan sii jiritaan ka xisbiga.
Waxa la gu xasuusan, Xukuumaddii ugu horaysay ee Xisbiyada Mucaarid ka ka doorbita Xisbul xaakimka, iyaga oo la shaqeeya dad badanina shaki ka qabaan in la rabo Kulmiye in meesha laga saaro laguna doorsado Waddani, Wasiirada loo tuhmo inay arrimahaa dadaal wayn ugu jiraan waxa ka mid ah, Wasiir Xirsi, Wasiir Warancadde, Wasiir Cukuse, Wasiir… Wasiir.
Waxa lagu xasuusan, Xukuumad intii ay jirtay dhalinyartu ka tahriibaan dalka rajo xumo ay qabaan darteed, waxa ugu ayaan darnayd ubax badan oo dalkani lahaa intay haligmeen oo guryo badan laga barooranayo haddana intay Xukuumaddii shir jaraa’id qabatay ina xaashi iyo rag kale kanleey keenlayda u daldalaysay, hal tacsi ah iyo wax ay la qaybsato dad ka murugaysan ayna jirin, hadda la soco Wasiiro ka mid ah ayaa yaryarkoodii tahriibay, haa kuwa caruur toodii tahriibeen kuwa kale ma naf ayey u haynayaan.
Waxa xusuus mudan, Xukuumaddii ugu horaysay ee wax ka sheegisteeda loo qaadanayo inaad qabiil caayeyso, haddii aad dhaliilayso loo qaadanayo inaad qabiil caayeyso, waxaana waxa abuuray Xukuumadda, iyaga ayaa la taagan meel walba Reer nimo ayey dowladda u neceb yihiin, waxayna isku qaseen maamulkii iyo qabiil kii, waxa hadal ka iyo dhaliisha keenayaa waa howsha qaran ka ee la hayo ee maaha cidda uu ka soo jeedo.
Waxa lagu xasuusan, doorashadii ugu horaysay ee Xukuumaddani qabato, musuqii iyo dhiigii ka dhacay.
In bulsho badani isku qabsado Xaajigu ma musharax baa mise maaha, haa wuu yahay oo isaga ayaa inuu sheegay, dee mayee maaha sowkuwa Wasiiradiisii ku dulcartamayaan, ma noqon karo iyo waa noqon karaa……………………………………….
Wax badan waa ilduufay in soo gudbiyo, kumana qasbani inaan sheego wixii u hirgalay, taas waxaan u dhaafayaa inta la dhacsan Xaajiga…………………..