Muqdisho (Hubaal) Kulan ay shalay Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada Somalia ayaa waxaa lagu go’aamiyay in aanay doorasho xor ah ka dhacayn somalia sanada 2016. Aqalka Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayuu kulankaan ka dhacay, waxaana lagu lafa guray arimaha ku aadan doorashooyinka sanadka 2016-ka xilli Berito Muqdisho uu ka furmaayo Shir looga hadlaayo arimaha Hiigsiga 2016-ka. Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo ka hadlay kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa ku dhawaaqay in dalka aysan ka dhici karin doorasho cod iyo qof ah, islamarkaana ay haboon tahay in la qabto shir wadatashi ah oo ay ka qaybgalaan madaxda Maamul Goboleedyada dalka iyo qaybaha Bulshada. “Waxaan rabaa inaan idiin cadeeyo oo halkan i keenay inaan kalsooni idin geliyo, sababtoo ah waqti xassaasi ah ayaa la marayaa waxaan rabaa inaan ka shanqariyo saddexdii qodob ee Xildhibaan Goodax uu halkaan ka sheegay, Doorasho qof iyo cod dalkaan kama dhici karto.” Ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha Somalia. Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa sheegay in waqtiga la joogo ay muhiim tahay inay midoobaan labada Gole ee Dowladda si looga tashado qorshaha Dowladda ee sanadka 2016-ka. Dowladda Xasan Sheekh ayaa u bira tumanaysa muddo kordhin ay sameysato, xilli saddexdii sano ee lasoo dhaafay aysan wax horumar ah gaadhin Dowladda Somalia oo arimaha gudaha ah.