Ibraahim Siyaad Yoonis, Maareeyihii Hore Ee Wakaalada Biyaha Hargeysa
“Aniga Oo Xilka Haya Ayaan Ka Hadlay Arrintan, Oo Si Cad Baa La Ii Weydiiyay Mashruucaas, Si Cad Baanan U Sheegay Wuxu Ahaa se Dhibaatada Koowaad Ninka Iska Leh Ee Ay Tahay In Lagala Xisaabtamaana, Waxa Weeyi Ninka Layidhaa….”
Hargeysa (Hubaal) Maareeyihii hore ee wakaalada biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis ayaa ka hadlay fashilka ku yimid mashruuca biyo balaadhinta caasimada ee Xumbo-weyne. Maareeyihii hore ee wakaalada biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis oo shalay warbaahinta ugu waramay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in fashilka ku yimid mashruucaasi ay masuul ka yihiin shirkadda Imaaraadka carabta ee sida uu hadalka u dhigay, la siiyay qandaraaska mashruucaasi oo ay bixisay shirkadda Khaliifa Foundation oo laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta. “aniga oo xilka haya ayaan ka hadlay arrintan, oo waxaan kaga hadlay barnamij telefishenka Hctv ka baxa oo la yidhaa ‘Qanci Dadkaaga’, si cad baa la ii weydiiyay mashruucaas, si cad baanan u sheegay wuxuu ahaa. Intii aan halkaasi ka sheegay ayuu wasiirkuna haatan sheegay. Dhibaatada koowaad ninka iska leh ee ay tahay in lagala xisaabtamaana, waxa weeyi Ninka layidhaa Falaax. Khaliifa Foundation in la yidhaa lacag baad bixiseen oo ninka Falaax la yidha u dhiibteene, anaxydun bixiseen, maxaydun Somaliland ku caawiseen, waxaad u dhiibteen Falaax ee uu qabtay maxay ahayd, oo markaasi ninkaa Falaax lala xisaabtamaa. Hadday xukuumaddii hore ka gaabisay xisaabtankaas oo ay dhiciweyday, xukuumadda cusub EE MADAXWEYNE Muuse, waxaan usoo jeedin lahaa anigu shaqsiyan, in guddi xaqiiqo raadin ah loo diro, mashruucaa Xumbo-weyne oo ay si fiican u baadhaan.” Sidaasi ayuu yidhi Maareeyihii hore ee wakaalada biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis
Sidoo kale waxa uu ka hadlay lacagta mashruucaasi ku baxday oo su’aal laga weydiiyay, waxaanu yidhi; “Qof ilaa imika sheegi kara mashruucaa Xumbo-weyne lacagtii ku baxday waa imisa, dee horta anigu maareeye ayaan ahaayoo ma ogi, cidii kale ee hawshaa xogogaal u ahi hadday jirto wey sheegi doonaan, balse intaan ogahay mashruucaasi cid haysa lacagtiisa habayaraatee ku baxaysa ma jirto, cida fulinaysay oo ahaa ninkaa Falaax oo mashruucaasi kasoo qaatay, markaan idhaa wax aanu saxnee miiska soo fadhiiso ee aanu waydiino lacagta mashruucaasi, waydinkii ogaa oo had iyo jeer rabshad baa ka bilaabmi jirtay. Anigu kolkaas garan maayo lacagtaasi intay dhanayd, xukuumaddii waqtigaasi joogtayna may ogayn, sikasta waanu iskugu daynay hawshaa in gunteeda la gaadho, gaadhise kariwaynay.”
Sidoo kale waxa uu sheegay in lakala saaro mashruuca biyo-balaadhinta ee ka socda Geed-deeble iyo Horo-haadley iyo ka Xumbo-weyne ee wasiirka biyahu uu sheegay inuu fashilmay; “dadka waxa wanaagsan inay middi ukala cadaato, mashruuca ugu weyn ee rajada ugu weyn leh ee la sugayaa waa mashruuca Geed-deeble iyo Horuhaadley ka imanayay, hadduu kan Xumbo-weyne innoo yimaadana wuxu ahaa faa’iido innagu soo korodhay, laakiin Xumbo-weyne xataa haddii uu dhammaado, biyaha laga sugayaa aadbay u koobnaayeen oo wey yaraayeen, balse mashruuca ay Hargeysi biyaha ka sugaysaa waa kaas Geed-deeble.” Ayuu yidhi Maareeyihii hore ee wakaalada biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis