Xukuumadda Ethiopia Oo Shaqada Ka Eriday Shan Taliye Oo Ka Mid Ah Kuwa Sarreeya Xabsiyada Dalkaas

0
15

Baarlamaanka Ethiopia  oo si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraar liiska Argagixisada lagaga saarayo Ururrada Ginbot 7, OLF iyo ONLF

 

Addis-Ababa (Hubaal/ANN)-Xukuumadda Dalka Ethiopia  ee uu Hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmef, ayaa shaqada ka eriday shan ka mid ah saraakiisha xabsiyada Dalka ugu waaweyn maamulayay.

Sida   lagu baahiyey degelka ANN   Xeer ilaaliyaha guud ee Ethiopia ayaa sheegay in xilalkii ay hayeen uu ka qaaday in Ra’iisal wasaare Abiy Axmed  shanta sarkaal ee u sarreeya xabsiyada dalkaa, kuwaas oo uu  ku baddalay saraakiil cusub oo hoggaamin doonamaamulka xabsiyada Ethiopia. Xeer ilaaliyaha Guud ee Ethiopia  General Berhanu Tsegaye wuxuu sheegay in saraakiisha shaqada laga eryay kadib markii ay gudan waayeen waajibkooda shaqo. Sidoo kale Xeer ilaaliyaha guud ee Ethiopia General Berhanu Tsegaye, wuxuu  sheegay in maxaabiista ku Jira xabsiyada dalkaa aanay helin daryeel islamarkaana  aan xabsiyada Dalka laga tixgelin qawaaniinta caalamiga ah ee xuquuqda Aadamaha, sidaa awgeed ay talaabadani qayb ka tahay isbedelada uu dalka ka wado Ra’isal wasaare Abiy Axmed, isbedeladaa oo lagu sameynayo siyaasadaaha dowladda Ethiopia. Geesta kale Baarlamaanka Itoobiya ayaa fadhi deg-deg ah oo   ay yeesheen ku ansixiyay qaraar ay Golaha wasiirada u soo gudbiyeen, kaasoo ahaa in liiska argagixisada laga saaro ururada hubeysan ee mucaaradka ku ahaa dalkaas. Xubnaha Baarlamaanka ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraarka liiska Argagixisada looga saaro Ururada Ginbot 7, OLF iyo ONLF. Tallaabadan ayaa ka dambeysay, markii maalin ka hor Golaha Wasiirada Itoobiya isku raaceen in liiska argagixisada laga saaro ururadaas, taasoo qeyb ka ah qorshaha is bedelka uu qaaday Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed.

 

Boqolaal maxaabiis oo u xidhnaa siyaasadda ayaa dhowaan laga sii daayay xabsiyada Itoobiya, kuwaasoo u badnaa siyaasiyiinta mucaaradka.

 

Itoobiya ayaa hore u aqoonsatay ururada Ginbot 7, OLF iyo ONLF inay yihiin ururo argagixiso ah oo khatar ku ah Ammaanka Qaranka Itoobiya.

 

Kummanaan Maxabiis ah oo siyaasiyiin ay ku jiraan ayaa xabsiyada dalka Itoobiya uu ka sii daayay Ra’iisal Wasaare Aby Ahmed oo talada dalkaasi haya wax yar, wuxuuna sameeyay isbedel- weyn oo shacabkiisa ay soo dhaweeyen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here