Guddoomiyo Cirro Oo dalka kusoo Laabtay, Kana Hadlay Safarro Uu Maraykanka iyo Kennada Kusoo Maray Iyo Amuurro Kale Oo Siyaasi Ah
“18ka MAY, Waa Maalinteydii, Somaliland-Na Waxay Leedahay Taariikh Ka Horreysay Oo Tii Daraawiishta Ayaa La Ixtiraamayaa…….. Horumarka Somaliland, 100% Waanu Taageersanahay, Dekadda Berbera-na……”
Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaaahi (Cirro) oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inay Somaliland leedahay Taariikh ka wayn 18-ka May ee ku astaysan gooni-isu-taaggeeda, hase-yeeshee dalka la wada leeyahay, isla markaana loo baahan yahay in la ixtiraamo Taariikkhda 18 May, 2016 June oo ah ta ugu weyn iyo weliba Taariikhdii Daraawiishta. Guddoomiye Cirro oo dalalka Maraykanka iyo Canada Safar bil ka badan qaatay ugu maqnaa, ayaa Arbacadii shalay dalka dib ugu soo laabtay, isla markaana si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa ka soo degeen. Soo-dhawayntaas ka dib, Guddoomiye Cirro oo Saxaafaddu su’aalo kala duwan ka weydiisay Heshiiska wareejinta Dekedda magaalada Berbera, saamaynta ka dhalatay 26 June oo uu sheegay in laga weyneeyo 18-ka May, maaddaama oo ay 2016 June tahay markii ay Somalilnad Xornimada ka qaadatay Mustacmaraddii Ingiriiska 26 June 1960-kii, halka 18 May 1991-kii ay Somaliland gooni uga istaagtay dalkii ay la midawday ee Soomaaliya 1-dii Julaay isla 1960-kii. Ugu Horeyn Guddoomiyaha oo markii uu ka soo degey diyaaradda loo soo gelbiyey dhinaca magaalada ayaa warbaahinta kula hadlay barxadda hore ee afaafka Madaarka Hargeysa, waxaana uu guddoomiye Cirro uga mahad-celiyey siddii looo soo dhaweeyey “Dhammaan shacbiga reer Somaliland ee maanta halkan(Madaarka Hargeysa), nagu soo dhaweeyey ee isagu jira mas’uuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga WADDANI aad ayey u mahadsan yihiin, waxaana aan uga mahadnaqeynaa soo dhaweynta diiran ee ay na soo dhaweeyeen, waxaana aan lee nahay mar kale aad ayaad u mahadsan tihiin. Illaahay ayaana aanu ugu mahadnaqeynaa in aanu dalka si nabad-galyo ah ugu soo noqonay.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu intaa kudaray “Waxa aanu ku maqneyn safar illaa muddo bil ah qaatay, oo runtii ahaa safar shaqo qarana, waxaanu tagnay dalalka Mareykanka iyo Kanada, waxaana aanu dawladda Mareykanka kala kulanay wasaaraddeeda arrimaha dibadda, Kongeraska iyo Senatka labadaba, waxa kale oo aanu la kulanay mas’uuliyiin iyo diblomaasiyiin ba, ana oo kulano la qaadanay mas’uuliyiinta goballada(State’s) aanu maraynay, haday yihiin Kongaras iyo haddii ay Senatkooda yihiin ba. Sida oo kale isna dalka Keneda waxa aanu la kulanay Mas’uuliyiinta iyo Senatka. Intaa waxa noo weheliyey in aanu iyagana la kulmay guud ahaan jaaliyadaha reer Somaliland dhammaantood magaalooyinkii aanu tagnay, waxa kale oo aanu la kulmaynay madaxda Xisbiga iyo Laamahooda, ana oo shacabka reer Somaliland-na xuskii sannad guurada 25aad ee 18ka May, aanu kala qeyb-galnay shacabka reer Kanada ee ku dhaqan magaalada Toranto, waxaana aanu shacabka Somaliland ku hambalyeynaynaa maalinta qaranka, ciid wanaagsan ayaanu lee nahay.”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.
Geeska kale mar weriyeyaashu wax ka su’aaleen Doodda ka dhalatay muunaynta xuska 18ka MAY ee uu sheegay in laga doodi karo maalinta qarannimada Somaliland loo aqoonsanayo, waxaa uu guddoomiyuhu yidhi “18ka May, waa maalintii qaranka, waa maalinteydii, waa maalintiinii, waa maalintii Somaliland, laakiin Somaliland, waxa ay lee dahay taariikh weyn oo ka horreysay 18ka May, waxa aynu gobanimadeena qaadanay 26kii Juun, waxa aynu la soo noqonay waxa ay ahayd gobanimaddii aynu qaadanay 26kii oo ahayd 18kii May, waa in la ixtiraama 18ka May, taariikhaha kale ee Somaliland-na waa la ixtiraamaya, tii Daraawiishta ayaa la ixtiraamayaa, Somaliland waa la wada lee yahay” ayuu kaga jawaabay guddoomiyuhu su’aasha laga weydiiyey 18ka MAY. Sidoo kale waxaa la weydiiyey su’aal ku dherernayd
Heshiiska Dekadda Berbera, waxaanu yidhi “Horumarka Somaliland, waanu taageersanahay boqolkiiba boqol 100%, waxaana aanu jecel nahay in aanu cid kasta uga lexlo jeclo badan nahay, dekadda Berbera-na xukuumadda waxa aanu ku nidhi Baarlamaanka keena wixii aad heshiiska ku saxeexdeen ee aad shacabka uga wakiilka ahaydeen. Wax kasta sharci ayaa loo raacayaa, ama heshiis ha noqdo ama wareejin ha noqdo, marka haddii la wareejinaayo sharci baa lagu wareejinayaa, haddii sharci darro lagu wareejinaayana sharci maaha”. Gebogabadii waxaa uu guddoomiyuhu ka hadlay doorka qurbajooga iyo xukuumadda dalka katalisaa ku yeelan karaan horumarka iyo is bedelka dalka ku yimaada waxaana mar uu Siyaasadda Arrimaha Dibadda ka hadlayay uu yidhi “Xukuumadda Somaliland ee hada jirta ama ta imanaysa, qurba-joogooda iyo shacbigooduba haddii ay iskaashadaan, in wax badan ay ka bedeli karaan sida ay hadda tahay siyaasadda arrimaha dibaddu.