“Waxanu ku Heshiinay In Arrintan Qoloba Meel Iska Taagtay Aanu Xal Siyaasi Ah Oo Saddexda Xisbi Ku Qancaan U Helno”
*****
““…..Laba Xisbi Oo Mawqifyadooda Difaacanaya Ayaanu La Fadhinnay, Xisbiga Qudha Ee Aan Loo Kordhinnina Waa Annaga”
******
“Waxa Laga Wada Hadlayaa Waxa Uu Noqday Go’aankii Muddo-Kordhinta, Axsaabtuna Meelo Kala Duwan Bay Kala Joogeen Laakiin Waxaanu Isla Garanay In…”
Hargeysa (Hubaal)-Kulankii ay Maalintii shalay u ballansanaayeen Saddexa Xisbi-qaran iyo xukuumaddu, ayaa Sidiisii u qabsoomay, waxana dhinacyadu ka muujiyeen ifa-faale wanaagsan iyo yididiilo keeni karta in ugu dambaynta la gaadho xal lagu dhamayn karo khilaafka siyaasadeed ee haatan jira. Kulankan oo uu Guddoominayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, isla-markaana wehelinayeen Hoggaanka ugu sarreeya saddexda Xisbi-qaran iyo Xubno Kooban oo Axsaabta ka socdaa, ayaa ku bilaabmay jewi Taag-taagan oo habqan ah, iyadoo dhinacyadu si habaqle ah Goobta u yimaaddeen.
Habsankii Xukuumadda & Xisbigeeda iyo Qaddimaaddii Mucaaridka
Xubnihii ka socday Xisbiga WADDANI, oo si xooggan Hotel-ka u joogay, ayaa Ugu soo horreeyey cid Goobtaas Timaadda, waxana ku xigay oo goor hore isa soo xaadiriyey Xubnaha Xisbiga UCID ka socday oo uu hoggaaminayey Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Waxa Ugu dambeeyey oo Goobta xilli dambe yimi Xubnaha Dhinaca xukuumadda iyo Xisbigeeda ahaa, iyadoo Madaxweyne-ku-xigeenku ahaa Shakhsigii ugu dambeeyey ee Halkaas kasoo xaadiraa, waxana muuqday kala shirid dhinacyadu iskusii wajaheen ka hor intii aan gorodda la is darin.
Bilowgii shirka iyo Jewigii Goobta
Daqiiqado ka hor intii aan shirku bilaabmin, ayaa waxa saxaafadda loo oggolaaday inay Goobta shirka Gudaha u galaan, isla-markaana ay soo qaataan Sawirro iyo muuqaallo kooban oo salka ku hayey in shirku bilaabmay, xubnihii loo qoondeeyeyna ay fadhiyaan. Markii Saxaafaddu Gudaha u gashay Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga UCID Muj. Cali-gurey, ayaa hadal xaruurnimo ka keentay oo la xidhiidhay in saxaafaddu Gudaha iska joogto soo tuuray, waxase si degdeg ah ugu jawaabay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, kaas oo u sheegay in cidda Gudaha soo gelisay ay iyaga tahay. Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa saxaafadda gudaha ku siiyey hadal kooban, waxana uu sheegay in shirku furan yahay, isla-markaana arrimo muhiim u ah qaranka Goobta loo fadhiyo, dhinac walbana looga Baahan yahay inuu si guud wax u eego, waxana goobta laga saaray Saxaafadda, iyadoo intaas kadibna ay bilaabantay Dood iyo falanqayn dheer oo laga galay arrinta Goobta loo joogay. Muddo saacad iyo waxoogaa ahayd, ayaa Goobta la iskula jirey, waxana markaliya Dibadda usoo baxay Xubnihii shirkaas loosoo qoondeeyey oo ay wejiyadooda ka muuqato jawi ka duwan midkii ka hor intii aanay Hawshu bilaabmin, kaas oo ahaa farxad iyo isfaham laga gaadhay ajandayaasha shirka iyo isu caqli celin badan oo gudaha ka dhacday ka hor intii aanay arrimuhu soo dhammaanin.
Sidii Hadalka Saddexda Guddoomiye Ku Bilaabmay iyo Bixintaankii Madaxweyne-ku-xigeenka
Markii Goobta laga soo dareeray waxa isagu iska tegay Madaxweyne-ku-xigeenka, waxana uu wakiishay Hoggaanka Xisbigiisa inay warbixinta bixyaan, iyadoo Hadalkaasna uu qaatay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo Deggenaan badani ka muuqatay. Muuse Biixi oo is dhawrid badani ka muuqatay, ayaa si habsami leh ku bilaabay Hadalkiisa, waxana uu sheegay in qolo waliba goobta ka muujisay Deggenaan iyo waayeeltinimo, isla-markaana ay Ajandaha shirkooda iyo sida wax u socon doonaan ay meel isla dhigeen, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi. “Markaanu dhinac walba wax ka eegnay Waxanu ku heshiinay shirka ajandahii shirka iyo sidii aanu ugudo geli lahayn, annagoo si walaaltinimo ah oo niyadsami ah oo qolo waliba si deggen oo masuul ah usoo fikirtay, waxanu isla helnay Qoddobadii Muhiimka ahaa, qaabka shirku u soconayo, ajandaha iyo sida aanu u wadayno.” Muuse Biixi oo Hadalkiisa sii wata, ayaan ka Baydhin Arrinta Bud-dhigga u ah muranka siyaasadeed ee jira oo ah Muddo-kordhinta Guurtidu samaysay, waxana uu hoosta ka xarriiqay in raadinta Xalkeeda la helo, “Waxanu ku heshiinay in arrintaas qoloba meel iska taagtay ee dib-dhaca doorashooyinku aanu helno xal siyaasi ah oo saddexda xisbiba ku qancaan oo ku heshiiyaan, waxanu aanu isla qaadanay inaanu berrito oo khamiis ah iyo jimcaha qolo waliba isku noqoto, Sabtidan-na aynu furano dooddii ahayd arrintan sidee uga baxnaa oo ajandihii si toos ah loo galo. Maanta sidaas ayaanu ku ekayn, niyad-sami, midnimo iyo mid loo ballan ah ayaanu ku wada qaadnay in arrintaas xalkeeda aanu annagu dhamayno.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI , ahna Guddoomiyaha Wakiillada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo isaguna Hadalka qaatay, ayaa saray in Xisbiyadu muujiyeen Mawqifyo kala duwan oo ay ka taagan yihiin Arrinta Muddo-kordhinta, balse la isla fahmay in heshiis midaysan lagu soo afjaro, waxana uu yidhi, “Markii aanu isu nimi waxanu ka doodnay waxa laga wada hadlayo. waxa laga wada hadlayaana waxa uu noqday Go’aankii Muddo-kordhinta ee golaha Guurtida Somaliland. Axsaabtuna meelo kala duwan bay kala joogeen laakiin waxanu isla garanay in xal siyaasi ah la doono oo Axsaabtuna usoo warranto Axsaabtoodii, sabtidana la isku soo noqdo xal siyaasi ahna loo raadiyo arrintan khilaafka ka dhashay Go’aankii Guurtidu gaadhay.” Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo isaguna Halkaas ka hadlay, ayaa si gaar ah uga Hadlay in Muddo-kordhinta la sameeyey ay faa’iido u wada tahay WADDANI iyo Kulmiye-ba, “haddaanu UCID nahay laba xisbi oo loo kordhiyey baanu la fadhinay oo mawqifyadooda difaacaya, xisbiga qudha ee aan loo kordhinnini waa annaga, Axmed Siilaanyo iyo Cirro-ba waa loo kordhiyey,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay in la isla gartay in is faham laga gaadho in xeer jajab arrinta lagu saleeyo oo aan sharciga loo eegin, “Waxanu isla garanay inaan laga tashan waxani ma sharcibaa mise ma aha sharci, distoor iyo sharci mar hore ayeynu jeebka gashanay oo beryahanba kuma shaqayno, Haddii sharci lagu dhaqmayana wax badan baan sidaas ahaadeen, sidii caadada inoo ahaan jirteyna xeer ja-jabkeenii oo dalka iyo dadka aynu u tudhaynay inaynu ku dhaqanno.” Ugu dambayntii waxa halkaas ka dhaqaaqay Hoggaankii Saddxeda Xisbi-qaran, iyadoo Xisbiyada mucaaridka ah intooda badani Madaxtoodu ay Goobta joogtay, isla-markaana ay muujinayeen xiisaha ay u qabaan in Hoggaankoodu uga warramo wixii qarsoonaa ee shirka ka dhacay iyo sidii ay mawqifkooda u caddeeyeen. Maanta iyo Berri ayaa la filayaa in Hoggaanada Axsaabta iyo waliba xukuumaddu gorfayn iyo lafo-gur ku sameeyaan Halka loo soo gudbi doono, iyadoo Sida Faysal Cali-waraabe Caddeeyey ay arrintu u muuqato in Muddada lagu muransan yahay ee Xukuumadda loo kordhiyey wax laga dhimi doono, maadaama aanu Madaxweynuhu wali saxeexin.