Xukuumadda Iyo Ganacsatada Dalka Oo Isku Afgartay In La Isticmaalo Lacagta Shilinka Somaliland Ah Daawo

0
43

“Waxaanu isla garanay in Wareegto lagu soo saaro, in lacagta Somaliland haday wax iib tahay iyo haday wax shaqo lagu qabto tahay in la isticmaalo” Wasiir Samsam Cabdi Aadansamsam

Hargeysa(Hubaal):- Xukuumadda Somaliland iyo Ganacsatada ayaa isku raacay in la isticmaalo lacagta Shilinka Somaliland ah, si wax looga qabto Sixir bararka iyo maceeshaa qaali garowday.

Shir lagu lafa gurayay sidii wax looga qaban lahaa qiimayaasha, Ascaarta iyo Dollar-ka oo ay fidisay Wasaarada Ganacsiga Somaliland ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaarada Maaliyadda Somaliland,

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen Rugta Ganacsiga Somaliland, Shirkaddaha Telesom  Iyo Dahabshiil, Bangiga Dhexe ee Somaliland, Oomaar iyo Baxsane, Wasaarada Waxbarashada, Wasaarada Qorsheynta Qaranka iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Samsam Cabdi Aadan oo ka hadlaysa u-jeedada kulankani ayaa waxay tidhi “Waxaanu halkan saaka isugu nimi shir laba bilood iyo dheeraad soo socday, oo habeenkii ka dhacay Wasaarada Maaliyadda oo loogu kuurgalayay sidii wax looga qaban lahaa Qiimayaasha, Ascaarta iyo Dollar-ka oo aan welin la soo gunaanadin, ay ka soo baxeen qodobo baddani, maanta kulankan waxa fidisay Wasaarada Ganacsiga, waxaana nala jooga Ganacsatada intii laga gaadhay,”

Marwo Samsam waxay shaacisay waxay isla garteen waxaanay tidhi “Waxaanu isla garanay in Wareegto lagu soo saaro, in lacagta Somaliland haday wax iib tahay iyo haday wax shaqo lagu qabto tahay in la isticmaalo,….in maanta laga bilaabo la farayo inay ganacsatadu isticmaasho lacagta Somaliland. Xog-uruuristanina ay socoto oo ay waxyaalo baddani ka soo bixi doonaan”

Hadaba, HALKAN HOOSE KA DAAWO

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here