Xukuumadda Iyo Xisbiga UCID Oo Si Isku Mid Ah U Wareerayay Maamulka Farmaajo

0
14

“Farmaajo, Jabhado Ayuu u Samaystay Somaliland” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

“UCID Ahaan, Waxaanu ka shaqaynaynaa Sidii Farmaajo Looga Takhalusi Lahaa” Faysal C. Waraabe

Hargeysa (Hubaal) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horraysay sheegtay in Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay jabhado u samaysteen Somaliland, si loo dhibaateeyo.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ka  mid ahaa Wefti Xisbiyada UCID iyo KULMIYE oo ka soo laabtay Dalka Kenya, ayaa isagoo ka jawaabaya su’aal HCTV ku waydiiyey Madaarka Hargeysa wuxuu yidhi “Soomaaliya Jabhado hubaysan oo Rag la garanayaa ku jiraan ayuu Farmaajo u samaystay Somaliland.”

Wasiir Kaahin oo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey kulan ay Magaalada Nairobi kula yeesheen Xubno uu ka mid yahay Siyaasiga reer Soomaaliya ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay in aanay dambi ahayn in Madaxda Somaliland la kulanto Mucaaradka Soomaaliya, “Cid Dawladda Farmaajo Mucaarad ku ah hadday Somaliland la kulanto dambi maaha..”ayuu yidhi, laakiin Wasiirku ma Caddaynin Jabhaddahaasi ta ay tahay.

inta la ogyahay, Somaliland waxa ka jirta Hal Jabhad oo uu hoggaamiyo Kornayl Magaciisu yahay Caarre, kaasi oo fadhiisin laga siiyey Degmada Qardho ee Gobolka Bari ee Puntland, ka dib markii isaga iyo xubno ka mid ahaa Ciidammada Qaranka Somaliland ay goosteen.

Geesta kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay Su’aal laga waydiiyey waxa xalaaleeyay in isaga iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ay Magaalada Nairobi kula kulmaan Siyaasiyiin reer Soomaaliya ah oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Xisbiga WADAJIR, Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Guddoomiye Faysal oo ka mid ahaa Wefti ka kooban Xisbiyada UCID iyo KULMIYE oo Maanta Dalka ugu soo laabtay, ka dib Safar shaqo oo ay ku tageen Nairobi, ayaa isagoo su’aashaa ka jawaabaya wuxuu yidhi “Cadowgaaga Cadowgii waa Saaxiibkaa, Farmaajo innaga wuxuu inoo samaystay Jabhado, laakiin Annagu si Ilbaxnimo ah waxaanu la sheekaysanaynaa Mucaaradkooda, Mucaarad baanu nahay, Mucaaradkooda ayaanu u yeedhaynaa, waxbaanu baraynaa.”

Guddoomiye Faysal wuxuu sheegay inay ka shaqaynaynayaan sidii looga takhalusi lahaa Farmaajo “sidii looga takhalusi lahaa Farmaajo ayaanu ka shaqaynaynaa haddaanu UCID nahay iyo wixii kale ee innagu xun ba.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu eedaymo u jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID “Cirro oo WADDANI ah isagoo weli Farmaajo la sawiran maad aragtay ? isagu hoos buu ula kulmaa Farmaajo wax xunna dalka wuu ka sheegaa, laakiin Annagu wax wanaagsana Dalka waanu ka sheegnaa, waanuna la doodnaa. Aniga iyo Cali Khaliif waanu la kulanay Farmaajo, BBC-da ayaanu u warranay, laakiin Cirro bal 10 jeer buu la kulmay Farmaajo ilaa doorashadiiye, bal mar qudha ha sheego.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here