“Ma jiro waddan aan safaarad Jabuuti ku lahayn oo ay ciidamado ka joogaan, wax allah wixii militeriga la socdayna waxa nala jooga dadkii ilaalinayey ee danjireyaasha ahaa, ciidanna lalama sheekaysanayee wax hoggaaminaya siyaasad dawladeed”La-taliyaha Dhaqaalaha ee madaxweyne Geelle
Jabuuti:(Hubaal)-Xukuumadda ka talisa dalka aynu deriska nahay ee Jabuuti, ayaa ka dayrisay xaaladda saldhigga militeri ee ay Somaliland Imaaraadka ka siisay magaalada Berbera, waxana ay su’aal gelisay qaabka loola macaamili doono ciidamada halkaas soo degi doona oo aan dalkoodu safaarad ku lahayn gudaha Somaliland.
Dr. Ismaaciil Wacays oo ah la-taliyaha dhinaca dhaqaalaha ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi uu idaacadda VOA-da siiyey arrimaha saldhigyada dalkiisa ay ciidamada shisheeye ku leeyihiin iyo faa’iidooyinka bulshada ugu jira ka hadlay, ayaa ugu horrayn sheegay in shaqo abuur badan iyo mashaariic kala duwan ay dadkiisu ka helaan ciidamada ajaanibka ah ee halkaas jooga, waxana hadalladisii kamid ahaa, “Faa’iidooyin badan bay noo leeyihiin saldhigyadaasi oo ay kamid yihiin inay muwaadiniin badan u shaqo tagaan, waxana ay waddanka ka dhex wadaan mashruucyo badan, iyaga oo bixiya qandaraasyo badan oo ay dadka reer Jabuuti u madax bannaan yihiin inay ka qayb-galaan, waxa kale oo sameeyaan awood dhisid ballaadhan, waddamadanina waa waddamo aanu muddo badan wada shaqaynaynay.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in arrimaha saldhigyadu u baahan yihiin xukuumad fahamsan qaabka loola macaamilo ciidamada shisheeye oo aqoon durugsan u leh arrimaha diblomaasiyadda, “Arrimaha noocan oo kale ahi waxa ay u baahan yihiin dawlad adag oo karti siyaasadeed leh oo waxa ay doonayso garanaysa oo diblomaasiyad leh oo ciidamadani waxa ay doonayaan aanay dhulkan ka samayn oo ay ka joogsanayaan”ayuu yidhi Ismaaciil Wacays.
Dr. Wacays waxa uu sheegay inaanay jirin waddan aan dalkiisa safaarad ku lahayn oo ay ciidamo ka joogaan, isla markaana ay dalkiisa ku sugan yihiin danjireyaal lagala xisaabtamo arrimaha ciidamada shisheeye ee halkaas jooga, waxana uu yidhi,“Jabuuti waa nabad, mana jiro waddan aan safaarad Jabuuti ku lahayn oo ay halkan ciidamado ka joogaan, wax allah wixii militeriga la socdayna waxa inala jooga dadkii ilaalinayey ee danjireyaasha ahaa, taasna markasta waa laga wada hadlaa, ciidanna lalama sheekaysanayee wax hoggaaminaya siyaasad dawladeed.”
Waxa uu su’aal ka keenay hannaanka ay xukuumadda Somaliland u maaraynayso ciidamo shisheeye oo dalkeeda jooga xilli aanu dalkii ay ciidamadaasi ka socday wax safaarad ah ku lahayn gudaha Somaliland, waxana uu farta ku fiiqay inaanay jirin cid lagala xisaabtamo wixii qaladaad ah ee ay ciidankaasi galaan,“Dawladda aanu jaarka nahay ee Somaliland haddii aan tusaale usoo qaato markaad aragto waddan aan meeshii deggenayn oo siyaasad ahaan maqani marka uu ciidan keeno haddii ay dhibaato dhacdo yaa lagala sheekaysanayaa oo sidee wax looga qabanayaa, anagase ciidamo maraykan ah baa nala jooga oo safaaradoodii baa nala joogta, Jayne ayaa nala jooga oo safaarradoodii ayaa nala joogta”ayuu yidhi Dr. Wacays.