Hargaysa(Hubaal):- Wasaarada Wax-Barashada Somaliland Ayaa Muddo Saddex Todobad ku sugan xaalad wasiir la,aan ah ka dib markii uu madaxweyne Siilaanyo isku shaandhayntii ugu danbaysay ee uu soo saaray ugu badalay wasaarada maaliyada.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa taas badalkeeda xilka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland u magacaabay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu ka soo badalay wasaarada maaliyada, balse wasiir Samaale ayaa ka cudur daartay inuu qabto xilka wasaaradaasi, taas oo keentay inay wasaarada ilaa maanta ay ahaato wasaarada bilaa wasiir ah.
Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa qaranka uga masuul ah hawlaha waxbarashada iyo imtixaanaadka ardayatoda fasalada sideedaad ee dugsiyada dhexe iyo fasalada afaraad ee dugsiyada sare, waxaana lagama maarmaan ah inay yeelato masuul qayb weyn ka qaata hawlaha horu marinta waxbarashada iyo isku dubaridka imtixaanaadka ay masuulka ka tahay wasaaradaasi, sidaas darted waxa xusid mudan inuu wakhtigan inagu soo dhaw yahay wakhtigii la qaadi jiray imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee ay dawladu masuulka ka tahay.
Dadka inta badan daneeya waxbarashada ayaa tilmaamaya in wasiir la,aanta haysta wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ay caqabad ku noqon karto hawlaha imtixaanaadka qaranka ee la filayo inay dhawaan bilaabmaan.
Dhinca Kale In Kasta Oo Ay Jiraan Wasiir Dawle Iyo Xafiiska Imtaxaanadka qaranka oo hoos yimaada Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare isla markaana sii wada hawlaha wasaarada balse Wasiirku Waxaa Uu Laf Dhabar U Yahay Ama Uu Hogaamiye U Yahay Shaqo Maalmeedka Wasaarada.
Dhinaca kale wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa iyadu kaalin weyn ku leh buuxinta baahiyaha waxbarasho ee dalka ka jira iyada oo inta ugu badan ee dhalinyarada Somaliland way wakhtigan ka tirsan yihiin bahda waxbarashada gaar ahaana dugsiyada sare iyo jaamacadaha dalka.
Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare oo keliya kuma koobna wasaaradaha xukuumadda Siilaanyo ee muddo saddex Isbuuc bilaa wasiir ah,balse waxa iyana sidan oo kale aan ilaa hadda bilaa wasiir ah wasaaradda warshadaha oo mudane Abiib Diiriye Nuur (abiib Timocad) oo wasiirka wasaaradda warshadaha uu iska casilay
Marka laysku sooo wada duubo bahda waxbarashada Somaliland ayaa wel wel xoogan ka qaba wasiir la,aanta haysta wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare inay saamayn ku yeelato Wakhtigii La Qaadi Jiray Imtaxanaadka Waxana Bulshadu Somaliland Ay Sugtaaba Cid Loo Magacaabo Xilka Wasaraadasi.
Diyaarintii
Cabdiraxiim Mowliid Ismaciil