Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Sida Fiinta Uga Qaylisay Qorshe Habar-magaadleysan oo Mucaaradku Shir Doceedyo kula yeeshay Beelaha

0
31

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Sida Fiinta Uga Qaylisay Qorshe Habar-magaadleysan oo Mucaaradku Shir Doceedyo kula yeeshay Beelaha
Hargeysa(Hubaal)- Xukumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa Walaac ka muujisay Qorshe ay sheegtay in Xisbiyada Mucaaradka ahi ku kasbanayaan Bulshada, Gaar ahaana Beesha dhexe ee Somaliland. Wasiiro iyo Xildhibaano warbaahinta la hadlayay maalmihii u dambeeyay ayaa Sheegaya in Qorshe Qarriban oo Qabyaaladaysan ay bilaabeen Xisbiyada Mucaaradka. Qorsheyaashaasi oo ay ku fuulayaan Kursiga. Masuuliyiinta ayaa hadalkan ku bartilmaameedsanayay Shirar doceedyo la sheegay in Mucaaradka iyo Beeluhu Hargeysa ku yeesheen.
Ugu horayn Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse oo Maanta ka hadlayay Arintaasi waxa uu Sheegay in Xisbiyadu u Aas-aasan yihiin sidii looga gudbi lahaa Qabyaalada “ Waxa jirtay oo Maalmahan aan Warbaahinta ka maqlayay, In Inta la Ururiyo Dhalin yaro oo Naanayso Qabyaaladeed loo Bixiyo, lagu sheego inay Reer Hebel yihiin oo ay Reer Hebel oo kalena Is-kaashanayaan, Dabadeedna ay sidaasi Reer Hebel weyne ku noqonayaan” ayuu yidhi Wasiir Cukuse oo Arintaasi Waddani ku Eedaynaya.

 

81d3986abf921fdda69caf50c56d561d_L

 

 

 

 

 
Waxa uu intaasi Raaciyay “ Waxaynu isku Ogayn haddii aynu Xisbiyadda nahay, In dhalin yarada iyo Shacbigaba aynu ka raro Qabyaalada oo ay Noqdaan Dad u bisil Dimuqraadiyadda.waxaynu isku Ogayn oo aynu ku shaqaynaynay inaynu Maskaxda Dhalin yarada ka ilaalino Xanuunka Qabyaaladu leedahay iyo Cudurka ay tahay oo inbadan oo dadkeena waaweyn ahi soo aragtay dhibkeeda”
Wasiir Cukuse waxa uu soo jeediyay in Kursiga lagu hiigsado Qorshe Cad oo Dimuqraadiyadda ku astaysan islamarkaana ka reeban Qabyaaladda iyo Reeraysiga.
Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo isna Isniintii(Maalintii Iida) ka hadlayay Arintan ayaa yidhi “Cidda doonaysa inay xukuumaddan maanta beddesho waxa laga doonayaa inay dedaalkeeda la timaad, loomana baahna inay la timaad xag-xagasho, qabyaalad iyo xumaan oo cid meel ku gaadhi mayso. Qofka doonaya inuu dalkan madax ka noqdo ha u marro waddada wanaagsan ee uu madaxtinimadaas ku gaadhi karo oo ah ummadda walaaleynteeda, isku haynteeda, is-jeclaysiinteeda iyo ummadda ugu baaqida wanaaga iyo horumarka.Waxaan leeyahay ummadda reer Somaliland way ka kortay xilligii qabyaalad lagu kala qoqobi lahaa. Way ka kortay xilligii musuqmaasuq lagu kala qoqobi lahaa, waanay ka kortay ummaddu xilligii been loo sheegi lahaa”
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caali(Cabdiraxmaan Dheere), Oo Golaha wakiilada ugu jira Kulmiye ayaa xalay mar uu u waramayay warbaahinta Dawladda sheegay in Mucaaradka Beelaha Midaynaya ay ku Saaqideen Siyaasadda.
“Tallaabadan ay wadaan Axsaabta mucaaridka ahi guul u soo hoyn mayso, magacan ay sheegayaana heli maayaan ee ay leeyihiin Shirkii Beesha Habar magaadlaha inay ururiyaan, toban qof oo meel isugu tegay na waxba ma ururiyaan reeraha. waynu ka war haynaa oo reerahan ay leeyihiin waanu isku geynaynaa wax ay ku guulaysanayaan ma aha, waanay ku guul daraysteen taasi, bulshaduna arrintaasi sheekadeedaba ma hayso, malaha iyaga ayuun baa jeclaaday inay waxan wad-wadaan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere.
Dhawaaqa Masuuliyiinta Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ka tirsan ayaa imanaya Mudo ka dib markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Safarka Ingiriiska tagayaa Faraqa ugu guntay Xukumaddiisa sidii looga hor tagi lahaa Qorshaha Habar Magaadleysan ee Mucaaradku waddo siiba Xisbiga Waddani.
Wararka ayaa sheegaya Shirar Doceedyo Mucaaradku Beelaha kula xaajoonayaan oo Hargeysa ka socda, hase ahaatee cid si Ramsi ah u Og ma jirto sida ay ugu Guulaysan Karaan hanaankaasi Mucaaradku.
Xisbiyadda Mucaaradka iyo Mushtamaca aan ku qanacsanayn Siyaasadda Xukumadda Kulmiye ayaa si aada ugu dhaliila inay tahay Xukumadda Shacabka dib ugu celisay Wakhtiyo hore iyo Qabyaalad la soo dhaafay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here