“Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Waa Tii Ugu Musuqmaasuqa Iyo Eexda Badanayd, Waxaanan Leeyahay Haka Noqoto Sharci Darada Ay Ku Iiibinayso Warshada Laydhka Ee Hargeya”

0
45

Hargeisa(Hubaal)Mujaahid Iid Jiciir Aw Axmed, oo ka tirsan Madasha Wada-tashiga iyo toosinta qaranka,isla markaana ka mid ahaa tiirarkii Urur-Siyaasadeedkii Xaqsoor ayaa si adag uga digay cawaaqib xumada ka dhallan karta qorshaha sharci daradda ah ee ay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu wareejinayso in ku naas nuujiso in ay cid gaar ah ku wareejiso Warshadii Laydhka ee magaalada Hargeysa, waxaanu fariin adag u kala diray xukuumadda iyo shacabka Somaliland gaar ahaan dadweynaha degan magaalada Hargeysa, waxaanu ugu horayn hadalkiisii ku bilaabay isaga oo arrimahan ka hadlaya oo uu yidhi,

iid jciiiiiiiir

”Waxa aan ka hadlayaa wax aan hore inoo marin in Hay’ad dawli ah oo ah Warshadii Laydhka ee Hargeysa ee ay dawladdu gacanta ku haysay maamulkeeda in ay xukuumadu si sharci ah ay cid gaar ah oo danno gaar ah laga leeyahay ay gacanta ugu galiso cid gaar ah, Warshada Laydhka waxa ka hawl-gala Laba boqol oo shaqaale ah oo ku jira shaqaalaha dawlada ee mushaharka qaata qaarkoodna ay ka soo shaqaynayeen illaa dawladihii hore, hadaba waxa lala yaabo ah in xukuumadu ay cid gaar ah uga iibinayso hay’ad daw;adeed, Warshadani waxa ay soo jirtay oo ay soo shaqaynaysay illaa gumaysigii Ingiriiska iyo dawladihii ka danbeeyay, sidaa awgeed, dawlad weliba wax ay ku biiriso warshada mooyaane, xukuumadan Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka hor lama arag xukumad hantidii qaranka ee lawada lahaa cid gaar ah ku naas nuujisa”. Muj Iid oo arrimahan ka sii hadlaya waxa kale oo intaa raaciyay oo uu yidhi

”Markii dalku burburay warshado badan ayaa dalka ka jiray, oo ay ugu weynayd warshadii sibidhka ee Berbera, Warshadan laydhka ee Hargeysi waxay ku badbaaday dadkii muwaadiniinta ah ee degan dhulka ay warshada Laydhku ku taalo ayaa si wadaniyad leh isaga xil saaray illaalinteeda iyo dayactirideeda taas oo suurtagelisay in ay warshadu maanta soo gaadho iyada oo shaqaynaysa, iyada iyo warshado kale oo deegaankan ku yaala, sidaa awgeed, hadii aanay xukuumadu ka laaban iibka warshada Laydhka ee Hargeysa, waxa ka dhalan doonta cawaaqib xumo, sababi doonto in hay’addaha dawliga ah iyo Wasaaradaha in la odhan doono shirkad heblaayo oo gaar loo leeyahay ayaa doonaysa ee hala siiyo oo halagu wareejiyo iyada ayaa dhakhli badan soo saaraysee, markaa arrintaasi waxa ka dhalan karta in la mijo xaabiyo qaranimadeenii iyo hanaankeenii dawladnimo”.

Muj Iid Jiciir, waxa kale oo uu fariin dardaaran iyo tallo ah u diray shacab weynaha Somaliland gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Hargeysa, waxaani yidhi

”Shacab-weynaha Somaliland iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa waxa aan leeyahay in si wadjir ah looga soo hor jeesto talaabooyinka sharci darada ah ee ay xukuumadda xilligeedii gabaabsiga yahay ay ku faasaxayso Hay’adihii qaranka ee dawlada, hadii xukuumada ay uu suuro gasho arrintani waxa ku xigi doono oo aynu ifafalaheedii aragnaa wakaaladii biyaha Hargeysa oo beryahanba la hadal hayay in cid gaar ah si sharci daro ah lagu wareejiyo, hadaan laga hor tegina waxay noqon doontaa tusbax furmay”. ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay Muj Idd Jiciir Aw Axmed.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here